Iyadoo dalka Soomaaliya beel kasta ay hubaysan tahay, haddana waxaad maqlaysaa beel hebel qoraygii ina hebel ahaa bay gateen taas oo aan ku cusbayn dhagaha dadka.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa ugu hub iibsi badnaa wakhtiyadii dagaaladii sokeeye oo ay qab-qablayaashu iyo Jabhadihii ay xoog ku lahaayeen inta badan Gobolada Soomaaliya, marka laga reebo gobolka Sanaag oo aan marna yeelan qab-qable dagaal, mid siyaasadeed, iyo mid Jabhadeed marka laga reebo in beesha Warsangeli ay iska difaacdo weeraradii Gobolka Sanaag lagu soo qaaday ee kaga yimid Jabhadii SNM iyo Urur diimeedkii Al- Ittixaad.

Xogta Maanta Warbaahinta Sanaag.so idin la wadaagayso waxaa ugu wayn fadeexad harraysay Gurigii Saldanada Beesha Warsangeli ka dib markii Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu soo diray Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo yimid Magaalada Badhan ayaa waxaa laga war helay isagoo taayiro gelinaya Awrkii ugu waynaa ee difaaca kaas uu ku xaraysnaa xero in ka badan 20 sanno, waxaana xeradaasi dhigay Allaha u Naxiriistee Wakiilkii Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire intii aan la dooran Suldaan Siciid Cabdi Salaan, Madaafiicadan xeryaha yaalla waxay Gobolka u ahayd Astaan Nabadeed maadaama aanay jirin dagaalo waawayn iyo cadow laga cabsi qabo oo gobolka ku soo fool leh in ay soo weeraraan.

Waxaa kale oo iyana nasiib darro ah oo falkan uu ku lug leh Axmed Ismaaciil Suldaan uu dhalay Suldaankii / Wakiilkii Allaha u naxariistee Ismaaciil Suldaan oo 20 sanno ka hor xeradaasi dhigay hubkaasi in uu maanta soo horkaco Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waa wax la la yaabo, islamarakaana Bari lageeyo oo shilimaad la siisto.

Sidoo kale, waxaa arrintan ku lug leh sidaan xogtan ku helayno Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) oo ay sxb dhow yihiin Ina Jibriil Yuusuf Cawl islamarkaana isagu Cabsi ka qaba in xilka Guddoomiyaha Gobolka laga qaado hadduusan awrka saylada gayn.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa dhowaan Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas u iibiyey 4 Baabuur oo Tikniko ah ee qoryaha fudud la saaro ee Soomaalidu u taqaano (Cabdibile) baabuurtaas oo hadda ku sugan Magaalada Garoowe.

Agaasime Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hadda u muuqda in uu isku diyaarinayo qab-qable dagaal isagoo ka helaya tageero Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo muddo dhowr bilood oo keliya ay uga harsan tahay in uu xilka Madaxtinimada Puntland sii hayo dhan kalena u sii diyaar garoobaya in uu qaab qarsoodi ah isku sii hubeeyo, si uu uga hortago mucaaradad kaga hortimaada Musharaxiinta  xilka Madaxwayninimada Puntland isku soo sharaxaya.

Dhanka kale, Ciidamo hoos taga kuwa daraawiishta Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdullaahi Cumar Cashuur ayaa is hortaagay ka dib markii ay ku war heleen in qoraygaasi laga saarayo xerada taasoo weji qabax ku noqtay Agaasime Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Axmed Ismaaciil Suldaan islamarkaana cirka ku sii shareertay ismari’waa beelaha dhexdooda ah, halka qolo diidan tahay qolona beec-gaynayso.

Ugu danbayn, Xogtan oo faahfaahsan iyaan idin la wadaagaynaa maalmaha soo socda iyo dhanka uu Suldaan Siciid Cabdisalaan la safto oo anaanu weli xaqiijin karin inkastoo uu waanwaan ku jiro, waxay u badan tahay in qoraygaasi la dhufsado oo bari lala aado.

Jama Cabdi

LEAVE A REPLY