Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Maalinta Sabtida uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar dargeliyo howlaha Golaha horyaalla.

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ka daldabay Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socoto oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyn doono Arimo xasaasi ah oo ay kamid tahay dhacdadii Bariire iyo Dhiibitaankii Qalbi Dhagax.

LEAVE A REPLY