Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Dowlada Federaalka   Somaliya ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah heshiisyada Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu la galay dowladaha caalamka qaarkood

Xildhibaanadan oo tiradooda ay gaareyso 10 Xildhibaan ayaa warqad ay qoreen waxa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan Heshiisyada lala galay dowladaha Shisheeye

Waxa ay ku muujiyeen warqadooda in loo baahan yahay heshiisyadadaasi dood in laga furo oo Golaha Shacabka ay ka doodaan

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah xubnaha ku saxiixan Warqadan ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay hor keeni doonaan Golaha Shacabka Mooshinkaasi si baarlamaanka uu uga hadlo

 

LEAVE A REPLY