Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa kalsoonidii kala laabtay Madaxwaynaha dawlad gobolleedka Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Xareed Cali Xareed, waxaana cod kalsoonida kala laabtay madaxweynaha 54 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 xildhibaan.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku sugnaa maagaalada Muqdisho markii xildhabaanadu codka kalsoonida kala laabteen.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa  ka hadlay  Xildhibaanada  fadhiga ku yeeshay Magaalada Cadaado ee xilka ka xayuubiyey ayaa sheegay inay sharci darro tahay in baarlamaanka oo fasax ku jira ay shaqsiyaad kulan gaar ah samaystaan, taasi oo uu ku tilmaamay inay dhaawaceyso dawladnimada curdunka ah ee ka hana qaaday Deegaannada Galmudug.

Baarlamaanka waa hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlad goboleedka Galmudug, Baarlamaanka waxa uu leeyahay kalfadhi uu ku shaqeeyo, sida aan ognahay kalfadhiga wuu xiranyahay, 5tii bishaan ayuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug soo saaray, muddo kordhin oo 45 cisho ah oo waqtiga loogu kor-dhinayo Xildhibaannada, mana jirin xarunta baarlamaanka oo furan, mana jirin guddoomiyaha shir uu ka warqabahay, sidaas darteed waxaan u arkaa waxa Cadaado ka dhacay inay tahay mid sharci darro ah, oo laga soo abaabulay meelo kale” ayuu yiri Madaxwaynaha Galmudug, oo sheegay in sharciga uusan ka weynayn, balse wax kasta ay ku haboon tahay in sharciga loo maro.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in waxyaabaha ay sameeyeen qaarka mid ah Xildhibaannada ay tahay mid foolxun oo ah in lagu qoslo, isla markaana ah mid aan sharci ahayn, ayna aqoonsanayn maamulka Galmudug falkii maanta ka dhacay magaalada Cacdaado.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in afar cisho ka hor uu Warbaahinta la wadaagay in fasaxii baarlamaanka Galmudug ay ku ekayd 5-tii bishan , isla markaana uu saxaafadda u sheegay in shirka uusan furmi karin, maadaama dalka uu ku jiro marxalad doorasho, ayna lagama maarmaan noqotay in waqti kordhin loo sameeyo baarlamaanka oo ah muddo 45 cisho ah.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY