Xiisad Dagaal  oo la isku haysto Deegaamaysi ayaa ka aloosan inta u dhexaysa tulooyinka banka Jiingada iyo Kalabayr ee Gobolka Bari.
 
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya  laba beelood oo wlaaalo ah oo  kala ah Beesha Ismaaciil Saleebaan (Majeerteen) ayaa meel u dhow Jiingadda ka samaystay tuulo iyo Beesha Dishiishe oo deegaan ahaan ka soo jeeda  Jiingadda.
 
2 Ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, khasaaraha inta la ogyahay waxaa halkaasi ku burburay 7 dhisme oo laga waday meel u dhow tuulada banka Jiingadda.
 
Sidoo kale waxaa hakad galay muddo kooban Baabuurta Xammuulka ah ee maraayey wadada laamiga ee ka soo baxda Magaalada Boosaaso.
 
Isimada Gobolka Bari ayaa ku hawlan waanwaan iyo qaboojinta xiisadan dhexmartay labada Beelood ee walalaha ah.
 
Maamulka Puntland weli kama uusan hadlin xiisadan soo korartay, iyadoo Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas uu ku sugan yahay Magaalada Boosaaso.
 
Madaxwaynaha Puntland aya safar dhanka cirka ah uu ku tagay Boosaaso, xilli xarunta Ganasiga Puntland uu ka jiro sicir-barar xooggan oo saameysay nolosha shacabka magaaladaasi, kuwaasi oo dhigaya hadda dibadbaxyo ballaaran.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY