Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] ayaa durba ku gacan-sayray go’aankii la sheegay inay qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug oo ku shiray Cadaado ay xilkii uu hayay uga qaadeen.

Xaaf oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in xil-ka-qaadista la sheegay in lagu sameeyay ay tahay mid aanay waxba ka jirin oo ay soo abaabushay DF Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in arritani ay tahay dabeyl socota oo ku wajahan maamul-goboleedyada dalka oo dhan.

“Arrintaas warbaahinta ayaan ka maqnay wax ka jiraahina ma jirana, waayo anigu xilka waxaan hayaa afar bilood iyo bar, Dastuurkuna wuxuu qabaa in marka aan xilka hayo lix bilood laga iga keeni karo mooshin, mana jirto wax mooshin ah oo laga iga keeni karo inta ka horreysa,” ayuu yiri Xaaf.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmuduga ayaa sheegay in qorshahan laga soo abaabulay Muqdisho oo ay wadaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka DF, isla markaana la doonayo in Galmudug lagu sameeyo wixii lagu sameeyay HirShabelle oo kale.

“Waxani waa fowdo la abuuray oo uu ka shaqeeyay ninkan guddoomiyaha baarlamaanka ah oo Xamar lagas soo diray oo la yiri mar gacanta hala taago sidii HirShabelle oo kale, waana mid Dunidu la yaaban tahay dhaqanka DFS,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Galmudug.

Mar la weydiiyay waxa kala dhexeeya dowladda dhexe ee uu ku eedeynayo ayuu ku jawaabay. “Dowladda waxa nagala dhexeeya waa inaan ka tirsan-nahay oo aan xuquuqdeenna ka doonno, markii aan kala hadalnay xuquuqda aan leennahayna way dhib-sadeen bay ila tahay oo waxay doonayaan inay keensadaan cid ay doonayaan.”

Isagoo ka hadlaya hadalka ay dhisatay dowladda ee uu sheegayo, ayuu ku jawaabay mar kale. “Hadalkaas waa inaan tagay Imaaraadka oo aan halkaas kula soo kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana aan go’aankeenna qaadannay. Waayo C/weli Gaas iyo Shariif Xasan labduba mowqifkooda way sheegeen lamana fowdeyn, balse maamulkaan ayaa la fowdeeyay.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xildhibaannada ku shiray Cadaado ee xilka ka qaaday ay aad u yar yihiin, balse ay jiraan kuwo kale oo ixdameeyo ah oo shirsan, go’aanka ay soo saaraanna saxaafadda loo soo gudbin doono.

LEAVE A REPLY