Bqor Burhaan Boqor Muuse. Suldaan Maxamed Suldaan Xassan Cali Jibriil Iyo Suldaan Siiciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire./ sawirada: Deperani
Waxaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag lagu soo dhoweeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo qaar ka mid ah Isimada dhaqanka Deegaanada Puntland.
 
Weftiga uu Boqor Burhaan waxaa meel magaalada ka baxsan ku soo dhoweeyey dhammaan isimada dhaqanka ee Gobolka Sanaag, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka, Aqoonyahan Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.
 
Weftiga uu hoggaaminaayo Boqor burhaan Boqor Muuse iyo Isimadda kale ee soo gaaray Degmada Badhan ayaa salka ku haya sidii ay u darsi lahaayeen iyo xal u helida dhacdadii uu ku geeriyooday Ilaahay Jannadii Fardowsa ha ka warabiyee Suldaan Xassan Cali Jibriil 21 dii September 2018.
 
Wafdiga Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa lagu wadaa in ay u kuur galaan halka ay maryso xaajadan oo ay ka soo shaqeyeen waxgarad kala duwan,iyadoo ay warbixin ka siindonaan guddigii hore ee gacanta ugu hayey, waxaa rajo fiican laga qabaa in si isfaham iyo wanaag ku dhehan uu kusoo gabagabeeyo Boqor Burhaan oo kashanaya isimada kale iyo labada qoys ee arintu dhaxtaal.
 
Suldaan Guud ee Beesha Warsangeli Suldaan Siciid Cabdisalaan , Garaad Cabdillaahi Cali Ciid, Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaan iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xassan Cali jibriil iyo dhammaan cuqaasha nabadoonada Boqor Burhaan iyo weftigiisa ayaa caawa wada dadaaladii ugu danbeeyey ee nabadeed ee caawa dhaqanku ku kulansan yahay.
Wixii war ah oo danbe kala soco Sanaag.so

LEAVE A REPLY