Waxaa maalmahan Shirar uga socdeen Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag Waxgarad , Aqoonyahan, Guurti, Haweenka, iyo Qaar ka mid ah Cuqaasha, Shirarkan iyo kulamadan ayaa daba socota Warqad uu dhowaan qoray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, taas oo uu kaga hadlay hab raaca Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi.
 

Waxgaradka ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Warqaddaasi dhowaan ka soo baxday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Xilkiiisu dhammaaday Xil: Maxamed Cusmaan Jawaari taas uu go’aan kaga gaaray hab-raaca Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Beelaha Gobolka Sanaag waxay si cad u sheegeen in  marnaba yeelayn in 11 Xubnood ee Beelaha Waqooyi ay  Saddex  ka mid ah lahaayeen Beelaha Harti Waqooyi oo aanay cid kale qaadan karin.

Waxaa kulanka lagu sheegay in Warqadda/ Bayaanka uu qoray  Xil. Jawaari uu yahay mid khilaafsan hab-raacii kulanka Madasha Qaranka, una muuqadta mid loola jeedo in lagu carqaladeeyo Doorashada 2016 ama la isaga horkeeno dadka wada dega Waqooyiga Soomaaliya ee Darta iyo Beelaha Hartiga.

 
Waxgaradka , Aqoonyahanka, Guurtida, Cuqaasha iyo Haweenka waxay Madasha Qaranka iyo Beesha caalamka ugu baaqeen in aan waxba laga beddelin hab-raacii hore, sidoo kalena ay la socdaan Xubnaha iyagu doonaya in ay doorashada Carqaladeeyaan.
Ugudanbayn, Waxaa kulanka lagu canbaareeyey tallabadii Xil. Jawaari ee uu khilaafka kaga dhex abuuraayo Xubnaha Gobolada Waqooyi.
 
Sanaag.so

LEAVE A REPLY