Ramla waxay ku daabacday Maqaalkeeda Bogga ay gaarka u leedahay ”Waxaan ahay dumar”  waxana uu u qoran yahay sidan hoose:

Noolaha uu Ilaahey dunida ku abuuray ayaan ka mid ahay, haddana waan ka duwanahay. La’aantay noloshu ma sii jirteen dadkuna ma tarmeen. Waxa aan ahay qof jilcan haddana adag. Waan naxriis iyo dulqaad badanahay. Aniga oo aad u yar ayaan masuuliyad qaadaa. Waxaa la igu aaminaa howsha guriga. Aroorta marka ay badi dadku hurdaan, waa aniga qofka soo kaca ee quraacda diyaariya. Da’daydu haba yaraatee, waan u dhashay howlkarnimada. Inta guriga ku nool oo dhan ayaan kala aqaan dabeecadahooda iyo rabitaankooda. Mid kasta dharkiisa iyo alaabtiisa ayaan hal hal u aqaan. Is kuma qaldo mana is ku daro. Marka uu mid dhumiyo wixiisa ama uu ka waayo meeshiisa, waa aniga qofka loo soo ordo ee raadiya. In aan quudiyo nafaf kale oo aan haqabtiro ayaan tayda ka hormariyaa.
Marka aad wada cuntaynaysaan, waa aniga qofka suga weelashiinna ka dibna cunteeya ama qada. Naftiinna ayaan ka fekeraa, calooshiinna ayaan dherjiyaa, dharkiinna ayaan nadiifiyaa, gogoshiinna ayaan hagaajiyaa, jirkiinna ayaan qurxiyaa xaaladihiinnana waan la socdaa. Laakiin idinka sidaa oo dhan iiga ma fekertaan. Feker is ka daayee ii ma mahadcelisaan. Ma xasuusataan ama ma jirtaa maalin aad i waydiiseen, in aan gaajaysanahay iyo in kale? Maalin aad iga waraysateen caafimaadkayga? Maalin aad igu dhahdeen naso? Maalin aad si dhammaystiran howsha iiga caawiseen? Warcelintu waa dhankiinna, idinkuse waad qirsan tihiin in aan maalin walba intaa idiin ka waraysto.
Anigu ma daalo, ma nasto, mana cabaado. Aniga oo xanuunsan ayaan haddana daraaddiin u qariyaa xanuunka. Waxa aan ku dadaalaa in aan idin qanciyo oo aad faraxdaan. Taas ayaan anna ku nastaa. Waa aniga tan ay raggu u tartamayaan oo ay gogol u dhiganayaan reerkeeda. Waa aniga midda sida wacan u xarragoota ee u labbisata. Miraayadda iyo waxyaabaha la is ku qurxiyo ayaan saaxiib la´ahay. Waa aniga midda ay is hagaajinteedu qaadato dhowr saacadood, marka ay soo baxdana la garan waayo. Xafladaha iyo aroosyada midda abaabusha ee haddana sida fiican uga dhex muuqata waa aniga. Waa marka la iigu heesay:
 
”Marka guur la haybshee,
Gabar heego dheeroo, 
Hoobaan la moodoo, 
Karti iyo hub qaadloo, 
Quruxdana ka hodanoo”.
Waa aniga midda aad qalbigeeda iyo dareenkeedaba ku ciyaartaan, idin ka oo i la jilaya jacayl been ah. Hadallada waalidkay iyo walaalalahay ayaan dartiin u hareer maraa. Ballanqaadyo been ah ayaad ila gashaan hadhowna iga dhaqaaqdaan. Waa marka aan ku heesay:
 
“Anigoo qiyaastii,
Qaangaar ahaynoo,
Ka la garan sax iyo qalad,
Qowlki waalidkay iyo,
Aan qaddarin walaalaba,
Saw qoon ku maan dhicin,
Oo qalqaali ima helin,
Qiimahaygi muu lumin?!”
 
Waa is la aniga tan ay raggu dilayaan, kufsanayaan, xaqirayaan, ku xadgudbayaan, asayda u saarayaan agoontana ka dhigayaan carruurteeda. Waa marka aan ku heesay:
 
“Abaalkii hooyannimo,
Kan la is ka illowsan yahay,
Ah iyo way ma anigaa!
Allaylehe inan ragoow,
Ergiyo waxaan ahay dacwo,
Eed baan kaa tabanayaa.
Aad baan u nasiib darnahee,
Madfaca aqalkayga gubay,
Kan igu riday ma adigaa?!”
 
Qof kasta oo dunidan jooga aniga ayuu igu soo dhex noolaaday, la soo noolaaday kuna noolaaday. Qofka uu Rabbigu dhexdeeda ku abuuro qof kale waa aniga. Sagaal bilood ayuu dhexdayda soo jiiftaa mid kasta oo idin ka mid ah. Wax kasta oo aan dhuuntayda marsiiyo ayaad ila wadaagtaan sagaalkaas bilood. Daraaddiin ayaan is kaga reebaa waxyaabo qaar oo aan jeclahay si uusan dhib idiin gaarin. Marka aad dhexdayda ku ciyaaraysaan ama aad is geddinaysaan waa ii xanuun aniga. Tan naftayda iyo taadaba u dadaasha in ay ka la badbaadiso marka aan foolanayo waa is la aniga. Waa marka la iigu heesay:
 
“Markuu abbaaro,
Naqasku oofta,
Oohintiisa axad,
U jeelanoo,
Ku farxa oohin,
Adiga weeye.
Ujeeddadaadu,
Ubadka weeyee,
Ha ambaqaaddo,
Amuu ahaanba,
Waayaha adduunka,
Kan abda´a yeela.”
 
Maalinta ay fooshaadu i qabato ee aan sariirta dul saaranahay, waxa aan u dhexeeyaa adduun iyo aakhiro. Hilib igu dhex jira ayaa bannaanka u soo baxaya. Jirkeyga ayaa kala sikanaya oo la jarayaa. Dhiig ayaa qulqulaya. Illin kulul ayaa dhabannadayda ku soo da´aysa. Maskaxdaa ayuu olol ka baxayaa. Tabarta ayaa iga yaraata. Waan jilcaa, aadaraa, xanuun dartiina is nacaa. Waa marka laguugu heesay:
 
“Habeenkii wuu dhaqaaqay
Sadkaagiinna wuu dhammaaday
Dhexdeediyo feeraheeda
Haddaad soo dhaafi waydo
Culayskaagaa dhibaaya
Dhimasho kama baxsanaysee
Dhammoow waxaa na la wanaagsan
Inay dhaqso kala timaaddee
Ha dhibin hooyadaa
Ee soo dhalo.”
 
Goor aan nolosha nacay oo aan rejeeyay in ay naftu iga duusho ayaad iga soo dhex baxdaa adiga oo oynaya. Kolkaasee laabtu i qabowdaa sidii in la igu rusheeyay biyo, oo illintii iga socotayna ay is ku baddashaa mid farxadeed. Marka aan laabta ku qabto jirkaaga dabacsan indhuhuna ay wajigaaga arkaan ayaan illoobaa xanuunkii xoogaa ka hor i karkarinayay.
 
Tan habeenkii kugu dhafarta ee kugu hurda beesha waa aniga. Tan aan illoobin xilliga cuntadaada waa aniga. Tan naxda marka aad hurdada ku daahdo kaana soo war doonta waa aniga. Tan iyada oo habeenkii kugu dhafartay maalintiina ku haysa waa aniga. Waxaas oo howl ah iyo ka badan ayaan kula maraa, haddana waan adkahay oo ma daalo. Waa aniga midda xilli walba taagan ee wax hagaajinaysa. Waa aniga midda suuqa fadhida ee kuu soo shaqaynaysa. Waa aniga midda sida ay u taagnayd cagaha ka balbasha ee uu daalku guri ka samaystay.
 
Marka aan kuu waco si aad lugaha iigu daliigto ayaan haddana in yar ka dib ku fasaxaa, aniga oo wali u baahan balse adiga kaaga naxaya daal.
 
Tan aad eedayso iyada oo uu kuu ordaysa, kaa walwalaysa, nafteedana u hilmaantay taada darteed waa aniga. Waad ila murantaa. Waad iga dhaqaaqdaa aniga oo kula hadlaya. Waad igu caasisaa. Gacan ayaad ii qaaddaa. Waad igu af celisaa. Haddana waan ku jeclahay oo adiga ayaan ku maslaxaa! Marna ku ma naco. Waxa aan ku la sugaa beri iyo saadambe si aad u wanaagsanaato.
 
Haddaba anigu waxa aan ahay DUMAR. Nolosha dumarnimo ayaan nolahay. Nolol adag oo haddana dabacsan. Nolol xiiso badan. Nolol dareen miiran ah. Nolol aan la sinnayn noolaha kale. Nolol aan raalli ku ahay. Nolol saldhig u ah jacayl, naxriis, dulqaad, dabacsanaan iyo danayn. Nolol rejo badan oo aan quus lahayn. Idinkuse waad i dareemi waydeen, is xisaabin waydeen, oo aad ka fekeri waydeen intaa oo dhan. Dhaliisha uma wada dhammidiin laakiin waad u badan tihiin. Aniguba dhaliillo waan leeyahay. Sidaas oo ay tahay waxa aad mar walba ii tihiin kuwii i dhalay, ka dhashay, aan dhalay, ila dhashay, una dhaxay. Hormar iyo wanaag ayaan idiin la rabaa. Guul ayaan idiin rejeeyaa. Waan idiin soo duceeyaa. In aad is af garataan
 
oo aad heshiisaan ayaan idiin soo baryaa, si aan u noolaanno aniga iyo carruurta. Waan idiin jeclahay waligayna idiin jeclaa. Waxa aanse sugayaa in aad mar uun i jeclaataan. Mar uun!
 
W/Q: Ramla Cabdi Xaaji Gobdoon
Faafin: Sanaag.so