SANAAG.SO – Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa la sheegay inay kasoo horjeesteen go’aankii laga gaaray Kiiska C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] oo ka tirsanaa Jabhadda ONLF ee Itoobiya ka dagaalanta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa laga soo xigtay in saddex Wasiir oo ka mid ah xukuumadda ay diideen inay taageeraan go’aanka Xukuumaddu ka qaadatay kiiskii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo maalmo ka hor loo gacan-geliyay dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, Wasiirada diiday go’aanka waxaa ka mid ah; Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Maryan Qaasim Axmed,  Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada, Maxamed C/llaahi Salaad [Oomaar] iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisinta Cabdi Faarax Saciid [Juxa].

Warka ayaa intaas ku daray in Dr. Maryan Qaasim ay diidey go’aanka, halka Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo kan Duuliska Hawada ay ka aamuseen inay u codeeyaan.

Ra’iisul Wasare Khayre ayaa shalay meel cad iska taagtey Kiiska Cabdikariin Qalbi-dhagax oo maalmahaan si aad ah bulshada qaybaheeda kala duwan u hadal-hayeen aadna loogu dhaliilay dowladda inay ninkaasi ka tirsan ONLF u dhiibto Itoobiya.

Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiiradda Somalia ayaa lagu sheegay in Qalbi-dhagax uu ka tirsan yahay ONLF, isla markaana xiriir uu kala dhaxeeyay Al-Shabaab, dalkana u joogay inuu falal amni-daro ah ka shaqeeyo.

Dhanka kale, Ururka Al-Shabaab ayaa iska fogeysay hadalka dowladda ee ah in Qalbi-dhagax uu xiriir la lahaa Al-shabaab, iyagoo ku tilmaamay hadalkan mid lagu marin-habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

C/kariin Qalbi-dhagax ayaa bishii hore laga soo qabtay magaalada Galkacyo, waxayna ciidamada NISA ee Dowladda Federaalka Smalia kala soo baxeen xabsi ay maamusho Galmudug ku hayeen, kadibna ku wareejisay maalmo ka hor Dowladda Itoobiya.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Somalia iyo Itoobiya ay saxiixdeen heshiis sannadihii 2015-kii iyo 2016-kii, kuwaasoo ku saabsanaa inay iska-kaashadaan la-dagaalanka kooxaha Argagaxisada ah ee Shabaab iyo ONLF oo ay sheegeen inay khatar ku yihiin amniga labada waddan.

LEAVE A REPLY