Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaraddaasi, waxaana munaasabadaan goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dawlada Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed (Khadar).

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen iyo Wasiir ku xigeenkiisii Xuseen Jimcaale oo ugu horrayn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo Avv. Cabdiraxmaan Xoosh oo ahaa Wasiirkii abuuray Dastuurkan maanta ee looga baxay Kumeel gaarka, waxaa uu xusay in uu ku kalsoon yahay in uu dhameys tiro Dastuurka, una diyaariyo dalka sidii loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad celiyay hoggaankii hore ee Wasaaradda Dastuurka, isaga oo ku ammaanay howsha baaxada leh ee ay soo qabteen muddadii labada sano ee ay xilka hayeen.

“Wasaaradda Dastuurka waa Wasaarad muhiimad gaar ah u leh qorshe howleedka xukuumada, waxaana xooga saari doonaa la tashiga habka ugu haboon ee dhameystirka Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Dastuurka Avv. Cabdiraxmaan Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradiisu ay tixgelin doonto talooyinka muwaadinka, khubarada Soomaaliyeed, ayna gaarsiin doonaan tuulo, degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah aragti uruurinta, si loo helo Dastuur loo wada dhan yahay oo ku dhisan talo Qaran.

Gabagabadii, Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dawlada Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed oo munaasabada soo xiray ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada Wasaarada Dastuurka, isaga oo carabka ku adkeeyey in madaxda dalka howsha ugu wayn ee hor taala ay tahay dhamaystirka Dastuurka iyo hirgelintiisa.

“Dastuurku waa sharciga ugu sareeya dalka, laga weyn maayo dal daloolo, balse waa in howl u baahan Samir, dulqaad, adkeysi iyo shaqo joogto ah, waxaana leeyahay xukuumadu wey idin garab taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare kuxigeenka oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in lagu barbar wado sugida nabadgalyada iyo xasilinta si loo helo goob xasiloon oo ku haboon doorasho dadwayne.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY