Xaflad xil wareejin ah oo maanta ka dhacday Xafiiska RW Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xilka la wareegay wasiirka cusub ee Wasaarada caafimadka Mudane Maxamed Xaaji C/nuur.

Xafladka xilwareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Caddaalada ahna ku simaha RW iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaarada Caafimadka.

Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka ayaa xilkii laga qaaday 24 June 2016, iyadoo xilkaasi Wasiirka caafimaadka loo magcaabay Maxamed Xaaji C/nuur.

Wasiirka Caddaaladda ahna ku simaha RW Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo kulanka xilwareejinta ka hadlay, ayaa bogaadiyay howshii Qaranka Soomaaliyeed ay u soo qabatay Marwo Xaawa Xasan Maxamed, isagoo sidoo kalana Wasiirka Cusub ee Xilka la wareegay kula dar-daarmay wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu guto shaqadiisa si ay ku jirto daacadnimo iyo hufnaan,waxaana jiri doonta isla xisaabtan dhab ah sidaas waxaa yiri Mudane ilka jiir.

Ugu danbeyn, mudane ilka jiir waxuu u mahad celiyay wasiirkii hore ee Caafimadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed asigoo ku amaanay waqtigii ay shaqada haysay in ay ka soo dhalaashay waajibadkii saarnaa,waxa uuna ka codsaday Marwo Xaawo in ay la shaqeyso wasaarada caafimadka.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY