Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guulaystay doorashada Kursigii Golaha Shacabka Soomaaliya ee saaka lagu qabtay Xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe.
 
Jamaal Maxamed Xasan wasiirka Qorshaynta ayaa ka guuleystay musharaxa la tartamayey Maxamuud Cabdullaahi Maxamed isagoona helay codad gaaraya 49 cod, halka laba ka mid ah codadkii la dhiibtay ay xumaadeen, sida ay ku dhawaaqeen gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka.
 
Maxamuud C/laahi Maxamed oo ahaa shakhsigii wasiir Jamaal uu kaga guulaystay doorashada ayaa soo dhaweeyay natiijada kasoo baxday codaynta doorashada kursiga golaha shacabka inkastoo uu u muuqday shakhsi meesha la keensaday oo iska tartamayay.
 
Doorashadan ayaa horeyba loo sii saadaalinayay in uu kursigan ku soo bixin doono Wasiir Jamaal, waxaana kursiga hore u banneeyay oo ka baxay Golaha Shacabka xildhibaan Daahir Cali Faarax oo loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.
 
Sanaag.so

LEAVE A REPLY