Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa maanta baabuur guddoonsiisay Guddoonka Waxbarashada ee Gobolka Sanaag Xayaad Loodh.
 
Maamulka gobolka ayaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare uga mahad celiyey sida uu uga dhabeeyey ballan qaadkiisii ahaa inuu baabuur siin doono Guddoonka waxbarashada Gobolka Sanaag xilli uu booqasho ku yimid gobolka , kadib markii madaxda gobolku codsatay arintaas, baaxada shaqada iyo hawl karnimada masuuliyiinta waxbarashada gobolka awgeed.
 
Xafladii lagu wareejinayey baabuurkan ayaa waxa goob joog ahaa Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Prof. Abshir Aw Yuusuf iyo Agaasimaha guud Maxamed Cabdulqaadir.
Dadaalkii masuuliyiunta waxbarashada gobolka ayaa la rajaynayaa inuu sii laban laabmi doono , maadaama gaadiid kii shaqada u fududayn lahaa la siiyey .
 
Ugudanbayn, Arintan ayaa noqonaysa abaal marin shaqadii iyo firfircoonidii masuuliyiinta waxbarashadu Gobolka Sanaag ay muujiyeen.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY