SANAAG.SO— Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

U jeedada Safarka RW kuxigeenka Turkiga

Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak, ayaa duqa magaalada Muqdisho ku wareejiyay Warshad dhismo iyo gaadiid gaaraya 52 gaari , oo dhamaan loogu talagalay in lagu horumariyo bilicda caasimada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka turkiga Veysi Kaynak ay horu dhac u yihiin socdaal la filayo inuu bishan gudaheed ku yimaado Muqdisho Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo furi doono saldhig Milateri Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu wayn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qayb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

LEAVE A REPLY