Warqad furan oo aan u diray Madaxweynaha cusub Farmaajo

0
540
WQ : Jama Deperani

Salaan qiime leh kadib waxaan madaxweyne kugu hambalyeenaya doorashada lagu doortay in aad noqoto madaxweynaha Soomaaliya, waa sax in ay muhiim tahay in aan sidoo kale u hambalyeeyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in loo doortay hoggaamiye ay ugu farxeen si aysan ugu farxin hoggaamiyayaashii hore.

Qoraalka sababta aan u qoray waa in ay ila noqotay in aan fekradayda kula wadaago iyadoon gooni ahayn balse sidoo kale shacabka Soomaaliyeedna aan la wadaagayo, waayo waxa aan u qorayo waa Soomaali oo dhan tanteed mahan dan adiga oo keliya ah.

Waxaa aniga ii muuqda fursada aad haysato in aysan hore usoo helin madaxdii kaa horeysay, waxaa muuqata isku xirnaan la xirirta rabitaan shacab oo wax loogu hirgelin karo hadba sida looga faa’idaysto.

Banaanbaxyada lagugu taageeray oo qaybtood aan tebinayey, waxa ka muuqatay in ay dadku u oomanaayeen rabitaankooda oo hirgala waxay muujinayeen diidmada ajenebiga , siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan , balse shacabkeenu waxay ilooween wax walbo in aan hal maalin lagu sameyn karin, laakiin ay u baahantahay taageerada banaanbaxa ah oo loo bedelay wada shaqeyn joogto ah kadibna lagu hogaamiyay siyaasad mideysan, oo hiigsanaysa ajandayaal ay ka midtahay sida ay ukala horeyso in loo hirgeliyo shacabku waxa uu maanta rabo .

Howlaha ku horyaal iyo Talooyinkayga:

Waan ogahay oo mashquulkaagu wuu badanaya madaxweyne , waan la socdaa wakhti badan uma helaysid in aad u fekerto sidii qof hada wax bilaabaya, ma moogani in kulamada siyaasiyiinta , shakhsiyaadka , saaxiibada iyo xulufadaadu ay waxbadan saameyn ku yeelan doonaan waxa ay tahay in aad sameyso , Balse talooyinkan iga hoo:

*Magacaabista Ra’isalwasaaraha: ilatahay ani waa lama huraan in aad siweyn uga taxadarto madaama dadku ay ku siiyeen Jacayl iyo Kalsooni , qofka Ra’isalwasaaraha ka dhigayso hadii uusan Jacaylkaasi iyo kalsoonidaasi sii badineyn ugu yaraan yuu wax u dhimin.

Marka aad doorato qofka aad rabto in aad siiso, kadibna waxaad aad uga fekerta qofkaasi ma yahay adiga horta qof lasoo eedeeyay, ururo diimeed iyo mid siyaasadeed, hogaamiye soo noqday ama si uun kale dadku wax uga tirsanayaan.

*Arrimaha dibada : Qof walbo oo Soomaali ah oo ku taageeray ama istaagay wadooyinka , tuulooyinka , magaalooyinka , gobolada dalka iyo qurbaha , wuxu kugu taageero hab dhaqanka aad ku wajahdo Ajenebiga gaar ahaan faragelinta.

Waxaan oganahay in wadamada deriska sida Itoobiya iyo Kenya ay ahaan jirtay in ay yimaadaan casumaadaha caleemasaarka kadibna hadhow dalbadaan in lootago shacabku wuxuu aad isu weydiin doona waxa aad ka yeeli doonto Casumaada Itoobiya ? in aad aadayso iyo inkale?

Dadka hada jooga ee weli shucuurtoodu kacsantahay ma aqbali karaan safar kaaga wadamada deriska , sidaasi darteed waa in aad abuurto jawi kalsooni shacab oo ku dhisan mudeyn looga gudbayo marxaladahan dalku ku jiro .

Waxaan xasuusanahay in Khudbadaadii musharxnimo aad ku sheegtay in shaqooyinka iyo safarada dibada uu qabanayo wasiirkaaga arrimaha dibada, waa laga yaaba qorshahaasi in uu socon karo ilaa inta aad booqanayso wadamadaasi booqasho labo dal oo siman oo ay ka dhaxeyso uun waxa ka dhaxeyn kara wadamo gobolka kuwadayaal.

*Abaaraha , maamulada iyo nabadeynta: Madaxweyne waxyaabaha kale ee ku horyaala waa in ay dowladdaadu dor muuqda oo cad ka qaadato caawinta dadka abaartu heshay, waxaa sidoo kale muhim ah mideynta umadda Soomaaliyeed , dib ushiisiinta, beelaha iyo maamulada dalka.

*Somaliland waxaad kudbadaadii ku sheegtay inaad garowsanayso waxa ay tabanayaan , waxaad sheegtay in aad wada hadal dhab ka geli doonto sidii Soomaali la isugu soo celin lahaa , waxaan rajeynaya wada hadaladaasi in aysan la kulmin caqabadihii helay kuwii hore oo kale.

dib uheshiisiintu waxay isugu jirtaa maamulo , qabaa’ilo iyo kooxo siyaasadeed iyo mid diimeed, waxaa ay tahay in dhamaantood ay dowladdu ka shaqeyso , siday u kala horeeyaana oo ukala xal dhowyihiina dadka la isugu keeno.

*Xuduudaha maamulada iyo dhameystirkoodu waa shaqo kale oo u fuleysa sidii hadba sidaa u wajahdo, waana wax markiiba aad ku heli karto tagerada shacabka oo kororta ama aad ku lumin karto qaar ka mid ah shacabka hadii aysan dowladdaada cadaalad wax u sameyn.

waxaa jirta in maamulada dalka ka jiraa u baahanyihin siyaasad siman oo cadaalad ku saleysan oo aysan dhicin in dowladdaadu qolo ama maamul gaar ah taageerto.

*Dhamaystirka dastuurka waxaa uu ka midyahay shaqooyinka ugu muhimsan , waxaan ognahay in ay jiraan madax goboleed iyo madax federal oo aanay jirin wax kala saraa, ma jiraan wax sharci ah oo la xiriira kala saarida awood qaybsiga kheyraadka , arrimahaasi waxay ka midyihiin kuwo ugu muhimsan adigoo ilaalinaya isku duubnida shacabka hadana.

*Ciidamada : waxaad ahayd shakhsi aad u jeclaayeen ciidamadu markii aad Ra’isalwasaaraha ahayd, maanta si fiican ayaa farxad looga dareemaya wejiyadooda , laakiin berina waxaan rabnaa in ay qoslaan , oo ay noqdaan ciidan dhisan dhinac walbo , ciidan niyada u dhisantahay oo inta kor madaxa u qaadaan oranaya Haa Soomaaliya waa anaga , wajihi kara wax walbo, waan ku rajo weynahay in aad dhisi karto ciidamo bedela AMISOM.

*Alshabaab, hadal laga soo xigtay wey qireen in aad wadani tahay, hadana taasi lama micno ahan in ay ogolaanayaan in dalku nabad sii ahaado. Qofkasta oo amni daro keenaya waxaa uu ku dhexjira shacabka , dowladdaadu waa in ay ka faa’ideysato awooda shacabka oo ay dadka jiheyso, si islaanta caanaha wadada ku gadaysa aysan u ogolaan qof qarax meel dhigaya ama qof horteeda lagu dilayo.

*Musuq maasuqa : mahan waxa la musuq maasuqo lacag oo keliya balse lacagtu waa sababta wax loo musuq maasuqo , waxaan jeclahay in aad ka dhabeyso hadalkii aad dhowr jeer ku celcelisay markii lagu doortay ee aad ku sheegtay in dowladdaadu musa la dirirayso.

Waxay dadku indhaha ku hayn doonaan musuqa maamulka , sida aad wax u qaybiso, sida ay ukala awood bataan shakhsiyaadka kaa agdhow iyo sida aad ugu ogolaato in qof walbo oo agtaada jooga uu wax uu rabo sameyn karo.

Gebo gebo:

Qofka marka aad loo jecelyahay oo kalsooni lasiiyo filashada laga qabo waa mid aad u sareysa , mar mar waxa dhacda filashada lagaa qabo darteed wax yar oo khalad ka dhaca in ay dadku aqbali karin.

Dadka qaar waxay yiraahdaan filasho sare oo lagaa qabo masuuliyad dheeraad iyo culays weeye, waxaa ka fiican adoon lagu aqoon oo hadana si fiican wax u sameeya kadibna dadku u jeetaan waxa fiican ee aad sameysay .

Sidaasi darteed Hogaamiye la jecelyahay ayaa tahay lagu kalsoonyahay ayaa tahay, laakiin hadana waxa tahay qof wax yar ku weyn kara wax bada, waxaa muhim ah wax walbo in aysan noqon xamaasad , laab lakac iyo iska dheh, wax walbo waxay ku fiicanyihiin in ay masuuliyad ka muuqato

Muhiimada ugu weyna waa in dowladdaadu ka duwanaato kuwii hore ee dalka soomaray , hadii ay addagtahay in wax awlbo uga duwanaato, sadex keliya uga duwanoow: in aan kooxi maamulin dowladdaada , in adiga iyo Ra’isalwasaarahaagu iidin is qaban (Hada ka feker?) iyo qabyaalada .

Aad baan kugu mahadcelinaya Madaxweyne.

Soomaaliya ha noolaato”.

Faafin: Sanaag.so

LEAVE A REPLY