Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway iyo dhigiisa Soomaaliya/SAWIR HORE:

Wargelin Muhiim ah!

Dad badan oo Soomaali ah, waxaa laga la noqday sharcigii deganaanshaha dalka Norway. Qodobo kala duwan ayaa dadkaas loo cuskaday, si sharciga looga celiyo looguna dhoofiyo waddankii Soomaaliya oo ay ka yimaadeen.
 
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta iyo weliba dad soomaali ah oo xog-ogaal ah waxaa dadka qaarkiis loo cuskaday qoraalo iyo wax-ka dhehid (comments) ay ku daabaceen barahooda Facebook-ga. Qof kastaa kolkii uu dalka yimid qaab ayuu isu dhiibay, waxaana uu soo bandhigay dhibtii uu ka soo cararay iyo waxyaalihii ku khasbay inuu dalkiisii hooyo ka soo tago.
 
Qofkaas magangelyo-doonka ahi waxaa uu sheegay in uu ku dhashay gobol hebel ama uu ku soo barbaaray gobol hebel oo uu ka soo jeedo magaalo Soomaaliya ka mid ah, kolkii uu soo baxay Facebook, Twitter iyo baraha xiriirka bulshada ayaa dad badani soo bandhigeen waji kale, iyaga oo aad uga fekerin saamaynta uu ku yeelan doono noloshooda. Wejigaas ayaa ka duwan kii ay markii hore ay u sheegeen dawlada.
 
Tusaale ahaan: Qofka oo taageero iyo olole u sameeya dawlad goboleed aan ahayn meeshii uu sheegtay inuu ka soo jeedo, qofka oo ruuxiisu isu sharaxa meeshuu sheegtay meel aan ahayn, qofka oo muujiya taageerada qabiilooyin aan ahayn kuwii uu sheegay. Qofka oo wax ka qora ,una jidbeysan qabiil gaar ah oo aan ahayn kii uu sheegtay. Dadka qaarkoodna calamo iwm ayey la soo baxeen ( Soomaali Maryooleey) Iyagoo muujinaaya halka ay ka soo jeedaan.
 
Waxaa kale oo dhacaday in la arkay dadka qaar oo u doodaaya qabiiilooyin iyo gobollo, oo weliba leh halkaas ayaan ka soo jeedaa oo weliba Tv yada Soomaalida ka dooday.
 
Taasi waxaa ay keentay SHAKI wayn in ay dawladu ka qabto in qofkan magangelyo doonka ahi uu xaqiiqdii ka yimid meeshaa ama gobolkaa, ama magaaladaa uu hore dawlada u sheegtay.
 
Waxaana dadkii lagu bilaabay baaritaano kala duwan, taas oo keentay in dad badan lagu eedeeyey in ay ka yimaadeen meelo aan ahayn goobihii ay sheegteen, taasina ay duminayso ama burineyso xaqiiqdii sharciga lagu siiyey. Dowladuna ay go’àansatay in sharciga laga la noqdo ,loona celiyo gobolkii rasmiga ahaa ee qofkaasi ka yimid.
 
Arrintaasi waxaa ay hadda ka taagan tahay Dalka Norway balse waxaa hubaal ah in ay soo gaari doonto Sweden, Finland, Denmak iyo dhammaan Qaaradda Yurub.
 
Waxaa kale oo beryahan dhacda in qof dalkii u safro oo uu ” live” ka soo galo magaaladii uu iska soo dhiibay ee uu yidhi haddaan tago qoortaa la iga jarayaa, qofkii ba isaga oo dalxiisaaya aduunka oo dhan si toos ah uga soo tebinaaya “livestream”. ka dib dawladu waxay oran dee khatartii aad ka soo oroday waa dhamaataye, orod oo magaladaadii aad, sharcigana waan ceshanay!.
 
Talo: Sidaas darteed waxaan dadka Soomaaliyeed kula talinayaa in ay aad uga fiirsadaan waxa ay ku qorayaan baraha bulshada sida facebook. Waa nasiibdaro in qofku gacantiisa iyo ficilkiisa ku muujiyo arrimo saamayn wayn ku yeelanaaya gebi ahaanba noloshiisa. Haddii aadaan baahi badan u qabin waad iska xidhi kartaa gebi ahaanba facebooga iwm. Haddii kale aad uga fiirso waxa aad ku hadlayso, meelaha aad tegeyso, calamada aad qaadanayso iyo guud ahaan waxa aad soo bandhigeysid, adigoo taxdir muujinaya.
Eskilstuna, Sweden.

LEAVE A REPLY