War-bixintan waxa ay ka tarjumaysaa xaaladda Abaarta ka taagan deegaanka Puntland oo dhan; Hase ahaadtee, Gobollada Maakhir, Sanaag iyo Haylaan waxa ay yihiin tusaale (sample); iyadoo guud ahaan dhulka intiisa kale looga cabbir qaadan karo.

Cimilada Dhulka:

Cimilada deegaanku waa guud ahaan mid kul iyo engeg, celceliska heer-kulka dalku guud ahaan weli wuxu u dhexeeyaa 300C ilaa 400C ; sidoo kale, jawiga guud waa cadceed kulul iyo dabaylo khafiif ah. Waxana jira afar xilli oo mid walbaa tirsado 91 habeen; waana; xilli gu’ Apriil – Juun; Xilli xagaa Juun – September; Xilli Dayreed Sept ilaa Disember iyo Xilli diraaceed Disember ilaa Maarso. Cimilada xilliyadaasi guud ahaan waa sidan hoos ku qoran;

Xilli-roobaadyo:

Labada xilli ee Gu’ga iyo Dayrta waa xilli roobaadyo; hase ahaadtee, waa kala dabeecado duwan yihiin oo Cimilada Xilli Gu’ waa kaad (hogad) iyo roobab xooggan oo onkod iyo hillaac leh, waxana dhaqan u ah galangalka loo yaqaan dabayl-gudubta oo ka soo dhacda Koonfur Bari (Badweynta Hindiya).. balse Cimilada Xilli Dayreed waa roobab khafiis ah oo hamuur iyo hoglayn u badan iyo qaboob (bane); waxana ku mataansan Dheelka loo yaqaan mansuun woqooyi galbeed (haamadday).

Xilliyo Jiilaal:

Labada xilli jiilaal iyana isku dabci maaha; Xilliga xagaa, waa xilli dabayleed ooy dhacdo dabayl xooggan oo u godadlaysa qallayl iyo cadar-qaboobe; waxana loo yaqaan (mansuun koonfur galbeed); Balse- Cimilada xilli-diraaceed waa mid qorraxeed oose isugu dhafan dhaxan, hanfi iyo huur.

Qiyaasta Roobabka:

Sida diiwaan gashan; qiyaasta roob-sannadeed ee aag-dhuleedka Puntland, waxa weeye sidan hoos ku qoran:
 
Badi waddanka Soomaaliya wuxu sannadkii helaa roob ka hooseeya 500 millimitir (19.7 in); Hase yeeshee u badnaan gobollada Soomaliland iyo Puntland waxa ay helaan inta ugu yar oo badiyaa ah 50 ilaa 150 millimitir (1.97 to 5.91 in). marka laga reebo dhabarka buuralayda Silsiladda Goolis oo iyadu caadiyan sannadkii hesha roob ka badan 500 millimitir (19.7 in). Si kasta awoodda roobabku ha noqotee guud ahaan nooc roobaadka Soomaaliya ka da’aa waa jaadka rushaashadda (showers); una yimaadda hoglo ama heego heego oo badiyaa gudbane hal mar dalka maraa waa mar la arag iyo far-ku-doon.

Cufnaanta Dadka iyo Duunyada:

Cufnaanta iyo majo-dareerada dadeed iyo duunyo ee ku dhaqan Gobollada Puntland ma tiro-koobna, hase ahaadtee; sida laga cabbiran karo deraasado ay sameeyeen Wasaaradaha Qorshaynta iyo tan Xannaanada Xoolaha ee Puntland, qiyaas ahaan, waa la aammini karaa:
 
Dadka: Qiyaasta tirada dadweynaha ku nool Puntland waxa ay u dhexayn kartaa 5.5 ilaa 6Milyan.
 
Xoolaha nool.kuwaasoo 59% reer miyi xoolo-dhaqato ah yihiin; 22% beeraley iyo kalluumaysato yihiin; 19%na ay barakacaayaal hore u caydhoobey yihiin.
 
Xoolaha Nool: tirada xoolaha nool ee Puntland qiyaas ahaan waa sida hoos ku qoran:
  • Geel: 1.5Kun
  • Adhi: 25milyan
  • Lo’: 500kun

Astaan-sumadeedyada Abaarta:

Sideedaba, sida xaalad-mawqifeed kastaa u leedahay hal-beegyo cabbireed laga qiyaas qaadto oo lagu ogaado heerka baaxaddeeda, baahsanaanteeda iyo culayskeeda; ayaa si la mid ah ABAARTUNA waxa ay leedahay astaamo lagu qiimeeyo laxaadkeeda iyo baarigeeda; kuwaasoo isla markaasna, laga sii hummaagsado kolba dhibaatooyinka waxyeello ee haraatideeda iyo asaayaha raad-reeb ee mustaqbalka laga markan karo.
 
Haddaba, marka aynu aragti Soomaaliyaysan ku salayno, astaan-sumadeedyada bartilmaameed ee lagu qiimeeyo XAALAD ABAAREED waxa ka mid ah kuwa hoos ku qoran:
 
Muddo-xilliyeedka roob la’aaneed iyo guud ahaan hoosaynta iyo heer-tisqaad xumida naqeed.
Heerka caws ama baad la’aaneed ee deegaan-carshineedka ee guud ahaan baaxad weynida xaaladda yibaleed iyo xaaluf baahsanaaneed.
Sarraynta heer-tacluuseedka nuxuuseed ee guud ahaan xaaladda tawseed ee saxal iyo sebaan xilliyeed.
Xaaladda gabaabsiga biyaha.

Xaaladda Abaarta 2013 – 2017:

Xaaladda Abaarta ee muddo-xilliyeedkan ka taagan PUntland waa mid aad u adag; gaar ahaan, Gobollada Maakhir ee Sanaag iyo Haylaan, Karkaar, Bari, Gardafuu iyo degmooyin bari ee Nugaal waa mid halis ah. Tusaale ahaan, Gobollada Maakhir ee Sanaag iyo haylaan, abaartu waa Afar-sano jir; iyadoo soo jirtey laga soo bilaabo Juune 2013 ilaa 2017.
 
Kolkaas, qiimaynta xaaladda Abaarta ee Gobollada Maakhir, Sanaag iyo Haylaan ka taagani waa sidan hoos ku qoran:

Xaaladda roob la’aanta:

Gobollada Maakhir, muddadii u dhexaysey Mars 2013 – Mars 2017 guud ahaan roobab baahsani kama di’in; gaar ahaan mandaqadda Gebi, Dhagax-libaasood, Xadeed ilaa Soolasha inteeda badan (qiyaas ahaan 85%) boog bay ahayd oo hoos-daruureedba lama dhigin. Sidaa awgeed, Roob-la’aantaas dheer Gobollada Maakhir ku raagtey waxay sababtay in dadkii xoolo-dhaqatada miyi ahaa ee gobolladaasi deegaanka ku ahaa ay dalwaan; iyadoo duruufta abaareed ku kalliftey in ay naftooda iyo wixii ay duunyo xoolaad haysteenba ay gobollo kale iyo deegaanno aad u durugsan u baadi-guuraan… Kuwaasoo iyana marxaladdan qallafsan ee waddanku ku jiro awgeed, aagagga ay u hayaameen ku waajahaya caqabado iyo culaysyo dhan walba leh oon u babac-dhigid sahlayn.

Xaaladda Xaalufka:

Oday iyo caruur Mandaqadda Gobollada Maakhir, oo ay muddo Afrar sano ah ka jirtey roob-la’aan baahsan waxa ka jirta xaalad caws iyo baadba ka dhammaaday; heerka xaaladda xaalafkuna waa wadaan-qoyani saxar kama qaaddo; carrab lo’aadna has kama helo. Yacni: dhulkii daaqsinta xoolaad ahaa sagaaradii iyo deeradii ayaa ku bakhtiday, wuxuna isugu baxay boog gawaan ah… Meelkasta oo ka mid ah aaggaasi waa xaaluf oo caws ama baad kumaba soo dhowaan; isla markaasna, dhirtii kale waa engegtey oo culay madow bay noqotay; iyadoo xadtaa geed madowgii caleen iyo gaalow toonna bixin waayey.

Xaaladda Tacluusta (bugtada).

Xaaladda Tawseed ee duunyada waa mid xooggan, isna soo taraysa; xooluhu waa macaluuleed, waa yibladeen oo waa tamar beeleen; taasoo u horseedday u nuglaansho cashi iyo bugtooyin kala duwan oo haleela. Kolkaas, qiyaasta xeel-dheerayaasha xooluhu tahay in 15% uun xoolaha mandaqaddaas ku sugani gaadhi karaan bilowga May 2017. Taasoo macneheedu yahay in 85% duunyadu ay ka gudbi doonin Bisha June haddii aan Eebbe Roob keenin oo abaartu sii taagnaato.

Xaaladda Gabaabsiga Biyaha:

CEEL_BIYOOD-Mandaqadda weli biyuhu gabaabsi kuma noqon; hase ahaadtee, bulshada xoolo dhaqatada miyi ma heli karaan biyo ay cabbaan iyaga iyo xoolohoodu; asbaabta helid la’aanta biyaha waa awooddooda dhaqaale oo aan u saamaxayn xoolo-dhaqatada iibsiga biyaha ay u baahan yihiin… Biyuhu aad bay uga fog yihiin meelaha ay xoolo-dhaqatadu u hayaameen; xooluhu waa caadto ceelasha lugtooda uguma aroori karaan; sidaa awgeed, biyaha waxa u keeni kara baabuur, qiimuhuna aad buu qaali u yahay oo halkii foosto waxa ay joogtaa ugu yaraan USD10.00. Lacagtaasina waa mid aysan awoodin dadkaas reer miyiga ah ee abaarta Afar jirsatay tabaalaysay.

Dhibbanayaasha Abaarta:

Dhibbanayaasha kowaad ee abaartu waa dadka reer miyiga ah ee xoolo-dhaqatada ah; kuwaasoo qiyaas ahaan mandaqadda Gobollada Maakhir lagu hilaadsho 800,000 Qof.
 
Dhibbanayaasha labaad waa dadka tuuloyinka mandaqadda oo iyana 85% noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool; kuwaasoo iyana lagu qiyaaso inay u dhexeeyaan 1Milyan – 1.2Milyan qof.

Baaq (Qaylo-Dhaan):

Halkan waxa baaq qaylo-dhaaneed lagu gaadhsiinayaa dhammaan Qurbe-joogta mandaqadda iyo ganacsatada u dhalatay deegaankaas, in ay gurmad degdeg ah ugu istaagaan bulshada Reer-guuraaga xoolo-dhaqatada miyi iyo tuuloba leh ee abaarta iyo macaluusha la tabaalaysan.
  • Baahida kowaad waa biyo iyo Raashin.
  • Baahida labaad waa daawo iyo nafaqo.

Gebogebo:

Ifafaalaha Abaartu haddii aan gurmad degdeg ah la samayn waa mid walbahaar iyo werwer xambaarsan; Kolkaas, Haddii aad awood dhaqaale ama galaangal kale ood wax ugu tari karto dhibbanayaasha abaarta leedahay; isu taag oo geed walba u fuul oo gambar kasta ugu fadhiiso; sadaqayso maal, ama xoog si aad uga qayb qaadadtid dedaallada loogu jiro in aysan xaaladda abaartu isu rogin mid aafo ah.
 
Maxamed Musse Cali Caarre, Sanaag.so
Contact@sanaag.so
Sweden, Stockholm

LEAVE A REPLY