Qoddobo ka kooban ayaa Maanta laga soo saaray Wada hadalo u socday Somaliland iyo Khaatumo oo ay ku soo afjareen Colaado dhex aloosanaa Maamulka Khaatumo iyo Somaliland.
 
Wadahadalada u dhexeeyey Somaliland iyo khaatumo ayaa waxaa ka soo shaqeyey guddi ka kooban labada dhinac waxayna ka kala dhaceen dalka Itoobiya iyo Jabuuuti.
 
Hesshiiskan oo ka dhacay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb-galay dhinacyaddii wada hadaladda ka qaybgalay oo ay kala hogaaminayaaan Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire iyo gudoomiyaha baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xassan, waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr.
 
Qodobadan lagu heshiiyey ayaa kala ahaa sidan hoos ku qoran:
 
1. In Somaliland iyo Khaatumo ku tantoobsadaan is afgarad buuxa loo wada gaadhi lahaa,
 
2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo wada heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan caddaalad, maamul wanaag, xaq dhawrista xuquuda aadamaha, ku dhisan diinta islaamka, oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti ee ay u wada siman yihiin.
 
3. In dastuurka Somaliand la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi siman oo caddaalad ku dhisan oo laga sameeyo madaxda goleyaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
 
4. In la sameeyo maamul daadajin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeedda.
 
5. In shir dambe la iskugu yimaado tobanka bisha July laguna qabto magaaladda Burco si loogu dhameeyo wixii qabyo ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.
 
Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay goobta ayaa ka mahadnaqay sida loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, wuxuuna ka hadlay heerarkii ay soo mareen wadahadaladii muddooyinkii danbe ay kula jireen Somaliland.
 
Waxaa heshiiskan labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Saacad Cali Shire oo guddoomiye u ahaa guddiga dhinaca Somaliland iyo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo ku magacownaa Guddiga guddiga dhinaca Khaatumo.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY