Xildhibaan Cabdi Cali Xasan Iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibeda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayre wax ka weydiiyey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka shisheeye oo uu kamid yahay Mahad Abiib.

Wasiir Cabdiqaadir Axmed Khayre ayaa sheegay in dowladu ay isku dayeyso inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka shisheeye.

Waxaana uu baarlamaanka Soomaaliya ka hor qiray in Mahad Abiib uu yahay muwaadin Soomaaliyeed uuna xaq u leeyahay inuu helo baasaboorka Soomaaliya. Sidoo kalena waxa uu balan qaaday in wasaarada arimaha dibedu fududeyn doonto sidii u Mahad Abiib ugu soo laaban lahaa Dalkiisa hooyo.

LEAVE A REPLY