Ururka Horn Africa Youth Organisation (HOAYO) Fredrikstad ee Gobalka Østfold /Norge oo booqasho ugu yimid Ururka ay mataanaha yihiin Somaliska Ungdomsförening I Västerås (SUF) ee gobolka Västmanlän/ Sweden.
Västerås: Urur Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa booqasho ku jooga Magaalada Västerås ee Dalka Sweden, Ururkan oo lagu magacaabo HOAYO (Horn Africa Youth Organisation) ayaa ka yimid wadanka Norway, gaar ahaan magaalada Fredrikstad ee Gobalka Østfold.
 
Ururkan dhalinyarada ah ayaa waxaa uu marti u yahay Ururka ay mataanaha yihiin Somaliska Ungdomsförening I Västerås (SUF) ee ka howlgala magaalada västerås iyo guud ahaan gobolka Västmanslän. 
 
Dhalinyarada ururka Hoayo waxaa hogaaminaayey gudoomiyaha ururka Maxamed Camaleeti. Muddo hal usbuuc ah ayay dhalinyarada ururka Hoayo ku sugnaan doonaan magaalada Västerås, waxa ayna ka qayb galeen Shirar kala duwan, Siminaaro iyo dood cilmiyeedyo uu ururka SUF ee martida loo yahay sii diyaariyey. Waxaa kale oo ay labada Urur is weydaarsadeen waxyaalo badan oo khibrad iyo waayo aragnimo ah.
 
Golaha fulinta labada Urur waxa ay si wadajir ah u aqoonsadeen meelaha muhiimka ah ee ay labada urur iska kaashan karaan oo ay ka mid yihiin:
 
  • Wacyigelinta dhalinta iyo waalidka si looga digtoonaado waxyaalaha keena denbiyada.
  • In kor loo qaado aqoonta dhalinyarada si ay u helaan niyad wanaagsan.
  • In danta guud laga wada shaqeeyo si aan u dhowrno wanaaga Ummadda Soomaliyeed.
  • In qayb libaax oo firfircoon dhalinyaradu ka qaataan arrimaha bulshada ee wadamada lagu nool yahay.
  • In laga hortago waxyaalaha wiiqa ama dhantaala awooda iyo iskuduubnida dhalinyarada iyo guud ahaan ummaada oo ay qabyaaladu ugu horayso.
Ugudanbayn, Gudoomiyaha Ururka SUF mudane Tawakal Elmi iyo Abwaan Ismaaciil oo ka mid ah Gudiga Fulinta ee Ururka SUF oo ku hadlaaya magaca ururka ayaa Sanaag.so u sheegay iin ay labada urur ay kala faa’iideysteen, loona baahan yahay kulamadan oo kale, waxa ayna ballan qaadeen in dhalanyiradan Oslo uga timid  ay ku booqan doonaan  dalkooda Norway, haddii Eebe Idmo.
 Abdirisak Hussein, Sanaag.so

LEAVE A REPLY