Inkastoy ood wadaagnimadooda ka sokow, sidoodaba ahaayeen ehel xigto iyo qaraabo isugu dhafan, haddana xaalado-duruufeedyo qallafsan oo geyigooda gees ilaa gees saameelay ayaa u horseeday inay noqdaan duddo xag talo iyo xag tartiibba midaysan; taasoo u muuqadtey qaabka ugu sahlan ooy kaga gudbi karaan xaaladaha ad adag ee ay wajahayeen…

Talo reer-maadh meeshay doonto ha ka soo yeelaalantee, ka guddoominta tamiido kasta tayiisadeed waxa duddadu u cimaamadday tumbul loo aamminey (Illeyn, xadhko geel ma wada xidhaan e). Isla markaasna, kooxda oo dabcan markii horeba wax-ku-oolnimo loogu xishay, duddadu waa u hanweynayd, go’aannadoodana waaba ku gawracnayd…

Haddaba, ilaa muddadii dheerayd ee duddadu u arrin dhiibadtey, waxa jirey xadgudubyo badan oo baaxad weyn ooy duddaddu la soo kulantay, sida: dayacid takarfal, mohoobbi, duudsi iyo dhibaatayn joogtowdey; balse, walow duddadu kudladdaas u aqoonsanayd bahalo dileyaalka hasha lagu maalo; haddana, weligood kaalintooda kama soo dhalaalin, go’aanno lagu diirsadayna ma ay gaadhin… Taasoo duddadii ku keentay xaalad dib u dhac, aamaal burbur iyo qadderin la’aan; iyadoo markii la canaantona arrintood dhaafi weydey “sug anaa jac la maaggan”…

Hamrashadoodii iyo gaabsigoodii dheeraa waxay duddadii dhaxal siiyeen kala hororsi iyo ku talax tag aan cidina hoodh iska saarin… Sidaa awgeed, ayaa maalinkii dambe waxa duddadii baylahda ahayd maalugey Orgobbe beer ma hambeeye ah; kaasoo dhiigmiurtay, qalin shubataystay oo dux iyo ludba ks idleeyey; ilaa uu aakhirataankii qashay hashii keli ahayd ee duddada wax dhiiqa ugu dambaysey…

Maalinkaasey muusannawgii duddada xammili waayeen oo xuf iyo toobinkood u qaadteen, iyagoo isku dhaarsaday in ay maanta orgobbahaas mooro duugaha ah ka takhallusaan ama iyaga la waayo…
Kolkaas, ayey raqdii uu ku fadhiyey soo ag joogsadeen oo ku qaylqayliyeen… markaas ayaa waxa meeshii ka yaacay waraabayaashii dawacooyinkii iyo haaddii hambo dhawrka u ahaa Libaaxa iyo baranbarqada hasha waaxyaystay… Aarkii ayaa inta dareen galay, si fuleguul iyo gooddi dhable ku sidkanaa isu taagey oo marba dhinac indho kulul ku dhugtey…
Yaa is dhugtey, degdeg bay uga udullubeen…. “Laga haarri hoorriga libaax soo hamaansadey e”… 
Duddadii oo rajo ka qabtey in ay maanta geesiyaashoodu bahalka ka qaban doonaan ayaa weydiisey… Halyeyadii aannu ku dhaadanaynow Subaacii ma naga soo disheen… waxay ku jawaabeen…

Ma soo dilin lakiin wallee wuu dareemay in aannu nahay Raggii Hasha uu cunaayo lahaa…HAATAN… ????

 

Maxamed Musse Cali
Sanaag.so

LEAVE A REPLY