Dawladda dalka Turkiga ayaa beenisay warar sheegaya in Turkigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Amb. Olgan Bekar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa hadalkaas ku sheegay, mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Wuxuu kaloo sheegay, Turkigu aqoonsan yahay qaran Soomaaliyeed oo qayb ay ka yihiin deegaannada maamulka Somaliland.

Bekar ayaa tilmaamay, in qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa ay dal-ku-galkooda warqado ku siiso dadka doonaya inay u socdaalaan Turkiga ee ku nool deegaannada Somaliland.

Danjiraha xusay in Turkigu gacan ka geysanayo heshiis xoojinaya midnimada Soomaaliya oo ay gaaraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhinaca kalana, danjiraha ayaa dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed uga mahad celiyay, taageerada ay u muujiyeen Turkiga, markii magaalooyinka Ankara iyo istambuul uu ka dhacay, isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu af-gambiyo dowladda Turkiga ee uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY