Donald Trump ayaa saxiixay amar dhaqan gelinaya joojinta argagaxisada islaamku in ay soo galaan dalka Maraykanka iyo xayiraado dhanka socdaalka ah la saaro dadka toddoba dal oo ku yaalla Afrika iyo Bariga-dhexe.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku sugnaa Pentagonka inta uu ammarkan saxiixin lagu jooinaayo qaxootiga, waxana uu ka qayb galay xaflad uu ku soo magcaabaayey Xooghaya cusub ee difaaca Maraykanka James ”Dog Mad” Mattis.

Qaxootiga suuriya oo gebi ahaanba la joojiyey.

Go’aanka joojinta soo dhoweynta qaxootiga dalka Maraykanka ayaa saamayn wayn ku yeelanaya dalalka Iraan, Ciraaq, Yamen, Liibiya, Suuriya, Suudaan, iyo Soomaaliya ayaa u dhigan in Afar bilood si ku meelgaar ah loo joojiyo, laakiin qaxootiga Suuriya, ma jirto waqti xadidan, taas oo macanaheedu yahay in gebi ahaanba Donald Trumb uu joojiyey qaxootiga Suuriya.

Intii ay socotay munaasabadda, Trump waxa uu yidhi “Waxaan billaabayaa tallaabo lagu kala shaadheynayo Muslimiinta si argagixisada aysan Maraykanka u soo galin. Waxaan dalkeena u ogolaanaynaa kuwa na taageeraya oo keli ah, dadkeenana aadka u jecel “.

Ujeedada Go’aankan lagu joojinaayo qaxootiga waa ay iska  caddahay waa in hab-raac kontarool cusub oo adag in la keeno iyo faquuq  ay wajahday bulshada Maraykanku taas oo aan la garanayn meel ay caga dhigandoonto   ayuu yiri  Chuck Schumer Hoggaamiyaha xisbiga Seneterka.

Ugu danbayn, shalay gelinkii dambe magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyay 90 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka, ka dib markii ay aqbaleen in ay bixiyaan document dal ku laabasho ah, safaradda Soomalaiya ee Dalka maraykankuna ay fududaysay in dhalinyaradaasi dib loogu celiyo dalkooda Soomaaliya.

Sanaag.so  News desk

LEAVE A REPLY