Taliyihii ciidamada amaanka garoonka loogu magac daray Cabdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo Col C/salaam Sandheere ayaa mid ka mid ah ciidamada garoonka uu maanta toogasho ku diley.

Toogashadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintey qaar ka mid ah ilaalada taliyihii ciidamada garoonka magaalada Gaalkacyo iyadoo aan la ogeyn sababta keentay dilka taliyahii la diley.

Sidoo kale waxaa toogashadan ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidamada ilaalada garoonka Gaalkacyo.illaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii garoonka ku sugneyd ay gacanta ku dhigeen askarigi geystey falka dilka ah.

LEAVE A REPLY