WQ: Mohamoud Musse A Arre

Toddobaad kasta waxa an la kulmaa qoraallo iyo doodo ka xumo sheegaya, cambaarayn iyo aflaggaadooyinna ku afuufaya, dhigaallo taariikheed Soomaaliyeed iyo weliba qalinlaydii isu xilqaantayba, waxana halkan xusid ka mudan Taariikhdii Halgankii Daraawiisheed iyo Diiwaamka Suugaantii Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ahaa hoggaamiyihii Halgankaas; oo labadaba uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise iyo sidoo kale, Dhawr Diiwaan Suugaaneed oo uu qoray Axmed Faarax Cali (Idaajaa).

Haddaba, ugu horrayn waxa aan ka xumahay, una arkaa ayaandarro in Dhammaan qoraalladaasi haddeer yihiin kaydad taariikheed ummadeed oo guud ahaan la wada leeyahay; gaar ahaan; Taariikhda Halgankii Daraawiisheed waaba u MUUNAD jiritaanka iyo wax-ku-oolnimada Qoomiyadda Soomaaliyeed; waa muraayad laga dheehdo shakhsiyadda macnawi ee Soomaaliga; bal e, waaba kansi taariikheed Afrika oo dhan magac iyo maamuus u sameeya… Sidaa awgeed, waxan fahmi la’ahay sida qof ama bulsho isaga fogeeyaan, u inkiraan, una eedeeyaan dhaxal-taariikheedkooda keliya ee ay ku faani karaan.

Si kasta ha ahaatee, waxan ogahay in ururintii xogo-taariikheedkaasi meelmartay xilli raadkeedu qoyanaa oo uun 25-30 la moogaa; isla markaasna, guri, geed iyo madal kasta ay buuxeen dadkii taariikhdaas wax ka sameeyey (muxaafid iyo mucaarad mid kasta ha noqdeene)… Waxa kaloo xusbadayn mudan in qoraalkaasi aanu suke ama madi ahayn ee uu jiro mid ka daqiiqsan, kana tifaftiran oo maragfur ugu filan… nuxur duluceed ahaan, marka laga hadlaayo dhacdooyinkii Halgankii Daraawiisheed ee 1895 – 1920kii ku muddaysnaa, waxa xaqiiqo u yaal isu muujinaysa, in aan deraasad xogeeddii laga ururiyey 1940 -1955 inta la beensado aan run loo magansan karin qoraallo la yagleelay 80- 100 sano ka dib.

Aragtidayda shakhsiga ah markaan ugu weel qaado, waxan garwaaqsan ahay, Ummad kasta oo la dagaallanta sooyaalkeeda iyo taariikhdeeda, dhacdooyinkeedii xaqiiqada ahaana la collowda oo colaadisa, fongorta oo jiritaankooda inkirta, araggooda iyo maqalkoodana ka xajiimoodta, mushkiladdeedu waa ufuq hoosayn, kalsooni darro iyo xorriyad maskaxeed la’aan oo isugu biyo shubta ku dhex asqoobid mugdiga weyn jahliga.

Qoraal kasta oon xaqiiqo dhab ah xambaarsanayn wuxu ku dambeeya wixii uu asal ahaan ahaa (been abuur, dhab-ku-samays, ka badbadis, buunbuunis iwm)…

Sidoo kale, wixii hore u dhacay waa dhaceen, wixii ka nooli waa taariikh… Taariikhdaas wixii ama inihii hore u lumay waa lumeen, wixii la hayo ee weelayn galayna waa la hayaa, waana waari doonaan oo qeligood waa ay sii jiri doonaan; iyagoo sidii ay ahaayeen ah oon wax is beddel ahi ku dhicin (illeyn waa qoraal rasmi ahe). Waxan u arkaa in taariikh qorantay aysan cidina necayb ay u hayso ku suulin karin; jecayl ay u haysona ku goldaloolooyin tiri karin.

Intaas waxan ku darayaa, sooyaalkii hore cidina ama ruuxna madduul uu dhibsaday kama masaxi karo; ranji quruxeed oo uu la jeclaystayna kuma ranjiyi karo.

Markaan saas leeyahay waxan akidayaa keliya arrin biyo kama dhibcaan ah; Yacni: In taariikh waliba tii ay awelba iska ahayd weligeed sii ahaadto oo baaqi ku ahaanayso; balse bulsho dadeed waliba samayn karto taariikh cusub oo ka beddelan oo ka geddisan, kana duwan kuwii taariikho-sooyaal-nololeed ee jiilalkoodii hore sameeyeen oo reebeen, iyadoo taariikhaha jiil waliba sameeyaa ahaan karaan oo noqon karaan kuwo ka liidta ama kuwo ka sidta kuwii raad-reeb ee jiilalkoodii awoowayaaleed.

Kolkaas; waxa ka digtooni mudan, inaan lagu mashquulin dambabasidda wax tegey, saluug kala dirirka sooyaal gudbey iyo taariikh dhacday u nisbaynta hindisooyin ama hammiyaal aan miidaan ahaan meelmarintoodii suurtogelin, midho dhalin oon hirgelin….

LEAVE A REPLY