Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer (Cayn) waxaa laga taagay taalo lagu xusayo tiro dad ah oo ku dhintay dhowr weerar oo ciidamada Somaliland xiliyo kala duwan ku qaadeen magaaladaas iyo nawaaxigeeda.
 
Waxaa la saaray taalada dusheeda oo astaan u ah gaari nooca gaashaaman ah oo ka mid ahaa kuwii ay wateen ciidanka Somaliland, balse lagu gubay dagaalka.
 
Horay waxaa Hargeysa uga taagnayd taalo lagu xuso tiro dad ah oo ku dhintay dagaaladii sukeeye ee ay Jabhadii SNM la gashay ciidankii xooga dalka Soomaaliya.
 
Taalada Hargeysa waxaa calaamad u ah oo dusha sare ka saaran diyaarad ka mid ah kuwii ciidanka cirka Soomaaliya, taas oo sida la sheegay duqaymo ka geysatay magaalada.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY