Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo oo ah musharax u taagan xilka madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada caasimada ah Muqdisho.
 
Musharaxa madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo oo ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa soo dhaweyntiisa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.
 
Waxaa si wayn maanta looga dareemay Caasimada Dalka Soomaaliya soo dhoweynta Musharax Farmaajo waxaana isgu soo baxay magaalada Kumanaan qof, dadkan soo dhoweynaya Musharax Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaan u kala harin soo dhoweynta, Caruuur, Haween, odayaal, Waxgarad, Cuqaal, siyaasiyiin, Dadka Dan-yarta ah iyo dhammaan barakacayaasha ku sugan Muqdisho.
 
Dadka soo dhaweyntiisa isugu soo baxay ayaa loo diiday in ay gudaha u gallaan garoonka diyaaradaha sababo dhinaca ammniga la xiriira, sida ay warbaahinta qaybtood xaqiijiyeen, hasse ahaatee waxaa ay ku sugnaayeen ilinka hore ee garoonka diyaarada iyadoo Shacab aad u fara badan ay ku sugnaayeen hoyga loo sii qorsheeyey uu ka degan yahay Caasimada Muqdisho.
 

Musharax Madaxwayne, Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu tilmaamaa mas’uulka ugu taageerada badan shacabka waxaana lagu xasuustaa dibadbaxyo marar badan oo kala duwan gilgilay magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay.

 
Ugu danbeyntii, dib u soo laabashada Farmaajo ayaa imaneysa xili masharaxiintii ku sugan magaalada Muqdisho ay waddaan dadaal mid walba oo ka mid ah ugu jiro sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2016ka.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY