Somaliland caalamku waxa uu u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Soomaaliya – Danjire Keating

0
222
Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Michael Keating ayaa isaga oo u sugan magaalada Hargaysa oo dhawaan uu booqasho ku tagay ka hadlay aragtida uu ka qabo gooni isku taaga Soomaaliland.
 
Waxaa uu sheegay danjire Keating in beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika wali u arkaan Somaliland in ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

“Annigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada Soomaaliland, beesha caalamka uma aqoonsana dal madax banaan, waxayna u aqoonsanyihiin qayb ka mid ah Soomaaliya”. ayuu yiri Michael Keating.

Dhinaca kale mar uu soo qaday sababta aan Soomaaliland looga martiqaadin shirka arimaha Soomaaliya ee dhawaan ka dhacaya magaalada London ayuu sheegay in Soomaaliland lagu martiqaaday shirkii ugu horeeyay dibada lagu qabto oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya hasse ahaatee iska diiday ka qeybgalkiisa, taas oo keentay ayuu yiri in markan dawladda Britain wax casuumad ah u soo dirin Soomaaliland.
 
Mar wax laga waydiiyey Danjire Michael Keating In maamulka Somaliland uu xidhay Xafiiskooda ayuu sheegay in uusanba waxba ka ogaynin xafiiskoodu xidhan yahay waxana uu yidhi:
”Ma ogayn in Xafiiskayga Hargaysa uu xidhan yahay waxaa noo jooga shaqaale ” reer Somaliland ah) sidoo kale waxaa halkan noo jooga Sarkaal dhanka Bini’aadanimada ah, waxaan u malaynaya Somaliland kuma qanacsana in Xafiiska UNSOM ay dhex orodo Siyaasada Somaliland, sidaas awgeed waxyaabaha ay UNSOM samaynayso, waa taageerida bahda UN ka ee ballaadhan”.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay Somaliland ka joogaan ilaa 20 Hay’adood oo ka tirsan Qaramada midoobay oo hawlo ballaadhan ka haya Somaliland, waxay UNSOM ka qayb qaadataa kaalin firfircoon, sida xoojinta tayada Bulshada, dhanka Bini’aadanimada, geedi socodka (Roadmapka).
Sanaag.so

LEAVE A REPLY