Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay talaabo muhiim ah horay ugu qaaday sidii loo soo wareejin lahaa maamulka hawada kaddib markii maanta ay la soo wareegtay Raadeer cusub oo qeyb ka noqon doona mamaulka iyo gacan ku haynta hawada dalka oo in ka badan 20 sano laga maamulayey dalka Kenya.
 
Dawladda waxaa ay sheegtay in ay bilaawday dhismaha qalabkan sida uu sheegay wasiirka duulista iyo gaadiidka hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.
 
Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo uu ka qeybgalay wasiirka ayaa arintan laga sheegay.
 
Mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada ayaa sheegay in la bilaabayo dhigista iyo dhisida qalab cusub oo sida ay hadalka u dhigeen laga maamuli doono hawada Soomaliya kuwaa oo muddo sagaal bilood ah yaalay gudaha garoonka laakiin la sheegay in ay arimo farsamo u xayirnaayeen.
”Qalabkan waa qalab laga maamuli doono ama lagula socon doono koontaroolka hawada Soomaaliya, waana talaabo bilow u ah sidii ay Soomaaliya ula soo wareegi laheyd maamulka hawadeeda’’ ayuu yiri wasiir Oomaar.
Wasiirku ma uusan sheegin waqti rasmi ah oo ay dowladdu la soo wareegi doonto maamulka hawada, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in talaabadan ay qaadeen tahay mid hor dhac u ah qorshaha dowladda oo muddo dheerba soo socday.
 
Qalabkan ay dhismihiisa bilaawday dowladda ayaa lagu sheegay in uu yahay mid casri ah oo inta badan xitaa aan laga isticmaalin dowladdaha Africa waxaana lagula socon doonaa hawada Soomaaliya.
 
”Marka la dhameystiro dhismaha qalabkan dowladda waxaa ay bilaabi doonto in ay gabi ahaanba la soo wareegto maamulka hawadda ‘’ ayuu yiri wasiirka.
 
Dowladdihii isaga danbeeyay dalka ayaa intooda badan isku howlay sidii ay ula soo wareegi lahaayeen maamulka hawada Soomaaliya, hasse ahaatee waxaad moodaa in bilihii ugu danbeeyay arintan siweyn u sii xoogeysatay ilaa ugu danbeyntii dowladda hadda jirta ku dhawaaqdo in ay bilaabeyso dhismaha qalab lagula soconayo koontaroolka hawada guud ahaan Soomaaliya.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY