Waxaa Magaalada Trollhättan gaaray xulka xeegada berafka Soomaaliya ee loo yaqaanno (Somalibandy) iyagoo ka soo kicitimay Magaalada Borlänge ee Waqooyiga Sweden.
 
Xulka xeegada berafka Soomaaliya (Somalibandy) ayaa ka qayb-gelaya ciyaaraha aduunka ee xeegada berafka oo sanadkan ay Sweden marti gelisay .
 
Koobka aduuunka ee xeego berafka waxa ay Soomaaliya ku jirtaa Pool B oo ay ku jiraan 5 dal Netherlands Czech Republic, Canada, Stonia iyo China.
 
Soomaaliya waxa ay foodda is darayaan kulanka ugu horreeya maalinta beri oo talaado ah uu farmaayo koobkani dalka Canada, oo ah koox adag iyagoo isla habeenkiina la ciyaari doona Czech Republic.
 
Ugu danbayntii, koobkani waxa uu soo xirmaya 28 da janaayo oo ku beegan maalinta sabtida, wixii war ah oo danbe kala soco sanaag.so
 
Sanaag.so

LEAVE A REPLY