Siciid Jaamac Qoorsheel, oo kamid ah gudiga doorashooyinka Dawlada Federalka Soomaaliya ee dhawaan uu magacabay Madaxwayne Xassan Shiikh ayaa sheegay in farqi wayn u dhexeeyo Gudiga Doorashooyinka hadda la magacabay iyo kii hore loo magacabay.

Siciid Jaamac Qoorsheel oo waramay Idaacadda Shabelle  ayaa sheegay in   farqi wayn u dhexeeyo Doorashooyinkii dhacay 2002 dii iyo kuwa haatan laga yaabo in ay ka dhacaaan dalka  Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Siciid Jaamac Qoorsheel in  Guddigii doorashooyinka 2002 dii uu xubin ka ahaa isla markaana  ay haysteen guddigaasi wakhti ku filan, oo ay kala caddayd shaqada ay qabanayaan, isagoo ku daray  in wakhtiga hadda la haysto uu yahay mid aad u yar.

Isagoo hadalkiisa sii wadta  waxaa uu cod dheer ku sheegay in guddiga haatan loo xil saaray Arimaha Doorashooyinka cid waliba shaqada ay qabanayso, isla markaana is-dhex yaac fara badan uu ka jiro.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu magaalada Muqdisho uga dhawaaqay gudi ka kooban 22 Xubno oo isugu jiray Rag iyo Dumar.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY