S

hilal Baabuur ayaa xalay ka dhacay Gobolada Karkaar iyo Sanaag, labada Baabuur ee shilka galay ayaa ka baxay Magaalada Damalla-xagare ee Gobolka Sanaag.
 
Baabuurka hore ee Shilka galay ayaa ku qalibmay waddada Laamiga Degmada Waaciye ee Gobolka karkaar, waxana uu siday dad reer guuraa ah oo ku sii jeeday dhanka bari ee roobabku ka da’een.
Shilkaasi waxaa ku dhintay Gacan yarahii Baabuurka, halka 2 qof oo kale ku dhaawacmeen.
 
Baabuurka labaad ee shilka galay oo ahaa baabuur yar, ayaa ka soo baxay Magaalada Damallaxagare, waxaana soo kaxaystay Odayaal Gurmad ahaan uga soo baxay baaburka hore ee Laamiga ku dhacay, si ay dadkaasi gargaar ugu fidiyaan.
 
Nasiib darro, Baabuurkii yaraana waxa uu ku geddoomay Soolka Gobolka Sanaag, waxaana ku dhaawacmay 6 qof , oo uu ugu liito Maamulihii Iskuulka Damalla-xagare Md. Maxamed Axmed Cali Bile, hadda waxaa lagu dabiibayaa dhawaacan Cusbitaalka Magaalada Xingalool. ee Gobolka Sanaag.
 
Weli waxaa socda gurmadka Abaaraha ka jira Gobolka Sanaag iyadoo muddooyinkii dambe reer Miyigu u hayaamayeen dhulka xeebaha ah oo bishii la soo dhaafay ay ka da’een roobab yar, waxaana hadda la soo sheegayaa in dad iyo duunyo deegaanka Bandar-bayla loo wada hayaamay reer guuraaguna aanu halkaasi ku sii nagaan karin Wakhti badan.
 
Wixii war ah ee la xidhiidha shilalkan kala soco Sanaag.so haddii Eebe Idmo.

LEAVE A REPLY