Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Shabeel uu dad ku waxyeeleeyay degmadaas.

Illaa 7 ruux oo ay carruur ku jiraan ayaa la sheegay inuu dhaawacay Shabeelka oo saaka si lama filaan ah u soo galay Xaafada Caanoole.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Shabeelka uu qal qal geliyay dadka deegaanka ee ku nool Wanlaweyn, waxaana la sheegay in dhowr jeer uu soo weeraray xaafada.

Dadka deegaanka ayaa ku baxay inay daba galaan raadkii Shabeelka, si ay u dilaan, waxaana sidii loo ceyrsanayay lagu dilay banaanka degmada.

Meydka Shabeelka ayaa la geeyay gudaha Wanlaweyn, waxaana dad badan ay isugu soo baxeen inay daawadaan shabeelka oo aanay waligood arkin, balse ay ka arkeen shaashadaha.

Arrintan ayaa noqotay hadal heynta ugu weyn ee saaka degmada Wanlaweyn weerarka uu Shabeelka ku soo qaaday xaafadaha ay ka kooban tahay.

Inta badan gobolada koofureed ayaa dhif iyo naadir ka ah in xawaanada dilaaga sida Libaaxa iyo Shabeelka ay dadka iyo xoolaha la dhaqdo ay waxyeeleeyaan dadka iyo xoolaha la dhaqdo, maadaama barri hore ay ka suuleen.

Kaddib bur burkii dowladdii Dhexe Xawaanadii ay caanka ku aheyd Soomaaliya sida Libaaxa, Shabeelka iyo maroodiga ayaa ka suulay Gobolada Koofurta, waxaana ay u hayaameen dalalka deriska, kaddib markii ay meesha ka baxeen xeryihii lagu xanaaneyn jiray, waxaana yaa bedelkeed kordha dilalka iyo ugaarsiga lagu hayay

Sanaag.so

LEAVE A REPLY