WQ: Mohamed Cabdullaahi Jaamac

SHAAH (Camellia sinensis)

Geedka Caleenta Shaaha laga goosto kama baxo Soomaaliya, laakiin guri kasta oo Soomaaliyeed waa laga cabbaa, dhulka uu ka baxo waxa inoogu sokeeya Keenya oo Ingiriisku ku beeray. Markii u horeysay oo ay dadku shaaha cabbaan waxa taariikhyahannadu sheegaan in ay ka soo bilaabatay dalkaa Shiinaha. Gobolka Shenong.

Sheeko caan baxday ayaa waxay tiraahdaa Boqor ka talin jiray dhulkaas 2700 ka hor dhalashadii N.Ciise (cs), ayaa biyaha inta aanu cabbin, loo kululeyn jiray, maalin isaga oo Beertiisa dhex jooga oo raba in uu cabbo biyihiisii kululaa ayaa koobkii waxa kaga dhacay dhawr caleemood oo geedka shaaha ka soo go’day, midabkii biyaha ayaa casaan noqday, dhadhan iyo udug gaar ah na waa yeesheen, markuu kabbaday na waa uu u bogay, ka dib na in daawo ahaan loo cabbo oo cudurro badan lagu daweeyo ayaa halkaa ka bilaabatay, intii markaa ka dambeeyey  wuxu noqday cabbitaan caadi ah oo loo cabbo in uu sameeyo ka hortagga jirrooyinkaas, kuna faafay koofurta Aasiya ilaa Hindiya iyo Sirilaanka.

Yurub iyo ummadaha wax qorta waa diiwaan gashan yihiin waqtigii uu soo gaaray shaahu, laakiin Soomaalida oo ahayd ummad aan waxba qoran lama sheegi karo waqtiga ay bilaabeen cabbidda shaaha, in kasta oo ay u badan tahay in Soomaalidii hore ee xiriirka ganacsi la lahayd koonfurta fog ee Aasiya, uu halkaas inooga yimid.

“Rag waa shaah, dumarna waa sheeko”

Maah-maahyada Soomaalida waa lagu xusay shaaha oo waxa la yiri ”Nimaan shaqaysan, Shaah waa ka xaaraan” waxay u eg tahay maah-maahdaasi in magaalo laga curiyey. Waxay kale oo yiraahdaan iyaga oo raggu is xigsiinayo cabitaanka shaaha, “Rag waa shaah, dumarna waa sheeko” weliba gobolada qaar waxa la yiraahdaa inta ay haweenku ugubka yihiin haddi ay shaaha cabbaan waa ku jilcayaan!.

Reer miyigu marka caleenta shaahu ka go’do waxay shaah ka dhigtaan geedka Goggobaha oo ay caleentiisa karsadaan, ka dibna sidii shaaha ayuu u dhadhamaa. Soomaalidu xawaash  iyo sakor badan bay shaahooda ku darsadaan, halka Bariga fog aaney wax kale ku darin ee sidiiisa u cabbaan isagoo kulul, Yurub iyo Woqooyi Amerikana markii la kariyo ayaa la qaboojiya (Ice tea) ka dib na isagoo qabow la cabbaa.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY