Sarkaal ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland oo sheegay in ay Gaajo Iyo Harraad u bakhtin gaadheen qaar ka mid Ah Ciidamada Puntland.

Sarkaalkan oo lagu magcaabo ”Socoto” isla markaana Ciidamada difaaca Puntland u qaabilsan dhanka mooralka ayaa sheegay in ciidamadda Puntland ay dayacan yihiin isla markaana ay u bakhtiyayaan harraad ( Biyo la’aan) iyo gaajo iyagoo ciidamadaasi furimaha kula dagaalamayaan Cadowga Alshabaab ee Buuralayda ku dhuumaalaysanaya.
 
Sarkaal socoto oo Magaalada Garoowe ka qayb galay Shir ay qabsadeen Qurba-joogta Puntland ayaa waxaa uu dhaar ku maray in uu naftiisa Gaajo u bakhtiyi gaaray.

”Wallaahi Billaahi Tallaahi” Sow Magaca ilaahay idiinma marin Harraad iyo Gaajo baan ka baqay in ay naftu iga dhacdo, Harraad iyo gaajo ban ku idhi anigoo dalkaasi u dagaalamaya, maanta dalkii noocaas ahaa, maanta ninkii askari ahaa iyo kii sakaalka ahaaba wuxuu ku haystaa in aysan jirin” ayuu yidhi Sarkaal Socoto

Sarkaal Socoto oo hadalka sii wata waxa uu sheegay uu u madaxda Puntland uu ku eedeeyey in ay lacag diyaarado ku qaadaan dadna iska sii horumariyaan si sacabbada loogu garaaco.
”Intii diyaarad lacag la iska sii horumariyo oo magaalada lacag loo soo diro, diyaarad inta lagu yimaado garoonkana dad loogu sii diyaariyo, ka dibna dadka marka la diyaariyo sacab loo garraaco” ayuu yidhi Sarkaal socoto
Sarkaalkani waxa uu sheegay in Puntland maanta dad badbaadiya u baahan tahay isagoo u baaqay Isimada Puntland in maanta xaalada kala guurka ah ee maanta Puntland marayso ay meel adag ka istaagaan.
 
Halkan hoose ka daawo

LEAVE A REPLY