Black 2Shabakadda Wararka ee Sanaag.so waxay halkan uga diraysaa dhammaan ummadda muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan Akhristayaasha ku xidhan shabakaddan hambalyada Ciidu Al-Fidriga  ee sanadkan 1437-ka Hijriyada oo ka mid ah ayaamaha aadka ugu wayn Muslimiinta.

“Ciid Wanaagsan ku ciida, ciidan ciideeda ilaahay ha idinku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo badhaadhe jawi deggan iyo xasilooni” sidaasi waxaa idin leh hawl-wadeenada Shabakadda Sanaag.so ee ku  kala  sugan dunida daafeheeda.

Waxaanu idiin ballan qaadayna inaanu shabakadda idiinku soo kordhindoono barnaamijyo cusub, xayaysiisyo, sidoo kale waxaanu idiin ballanqaadayaa Barnaamijyo iyo warar xiisa leh oo aanu ka soo qaadi doono geed walba iyo goob kasta.

Mar kale, waxaan idin leenahay Ciid Wanaagsan ciidan ciideeda iyo ALLLAH ha innagu gaadhsiiyo Nabad gelyo iyo Horumar.

Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY