ARAGTI:- Horumar, Dawlad fidin, Awood qaybsi, Sinnaan iyo Caddaalada ay Dawlada Somaliland kula heshiisay Reer Awrboogays iyo Maqaamka Sare ee Wufuudda ay soo direen ayaa ah dhammaan kuwo aan deegaankaasi abid arag ama maqal oo ugu iman, laami roor-roorta Dawlada Puntland ee ilaa 1998 dii ay ka mid ahaayeen!!

Sagrasho seexadka dheer ee Puntland & soo miigaanaanta Somaliland- Sanaag, Haylaan iyo yaa u hadhi doona?

Akhristoow, shacab waliba iyo qoys waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu dhadhamiyo macaanka Horumarka, Nabadda, Caddaalada, Sinnaanta iyo dhammaan adeegyada bulshada oo dhamays tiran, oo ay ka helaan maamulka ama Dawalda ay ka tirsan yihiin ama ay markaa siiyeen kalsoonidoodda, oo ay u dadaasho maadaama adeegyada Bulsho la mariyo nidaamka dawladnimada!

Horumarku intaanu imaan waxaa ka horeeysa waxa ugu qaalisan adduunka ee ah RAJADA BULSHO oo la nooleeyo, deetana hoggaamiyaha ama hoggaamiyaashoodu dadka marka hore rajo iyo himilo geliyaan shacabka ayna u jiheeyaan u heelanaanta horumarka iyo dawladnimada, deetana hogaamiyayaashu kaga dhabeeyaan waxqabad run ah goob kasta, deegaan kasta si sinnaan iyo wixii tamartu noqoto.

Maamulka Puntland oo xaqiiqdii maqaam seegay, sida muuqatana la daalaa dhacaaya hoggaan xumo, karti xumo, hadaf iyo himilo xumo ayna ugu daran tahay waxa afka qalaad lagu yiraahdo MICRO LEADERSHIP, madaxda dalkuna qabtaan iskuna hawlaan bilo dhana ku maqnaadaan wax AGAASIME WAAXEED ku filaan karay, ayaad hada xaqiiqdii aad moodaa inuu lumiyey kalsoonida shacbkiiisa oo dhan.

Waxaa xaqiiqa cad ah in Qorshe Qarameedka dib loogu dhisaayo Soomaaliya, in Puntland lagaga guuleeystay oo dhamaan horumarka WB, NEW DEAL, UN-ta iyo Hay’adaha Caalamiga ay qorshahooda waxqabad iyo deeqahooda ay u wareejiyeen Somaliland marka laga hadlo goboladaas la isku haysto ee Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn, iyagoo idin iyo ogaansho ka haysta Dawlada Puntland ay hayadaha caalamku wareejiyeen!

Ma ahan eedayn, duur xul iyo durid aan dawlada Puntland duraayo ama ku maagayo, ee nasiib daro iyo calool xumo waa xaqiiqo run ah oo jirta in dhamaan qorshayaasha waxqabad ee hay’adahaas caalamiga ahi in laga maroojiyey gacanta Puntland, laguna daray qorshayaashaas xaga Somaliland iyadoo mala la is dareensiiyey inaanay dawlada Puntland ee hada jirtaa aanayba ka badinayn ROOR ROORKA LAAMIGA DHEER, taasoo ah xaqiiqo la is tusi karo, hase yeeshee waa KHIYAAMO CAD oo ay khiyaantay Dawlada Puntland Shacabka aaminay ee u haysta inay u maqan tahay.

NB:- Haddaad rabto inaad xogta dhabta ah hesho, waxaan ku oran oo keliya “QUUS YAA QAWAAS!” oo ah baaq reer MAAKHIR oo xigmadiisa leh, bal daymoo dhammaan barnaamijyada waxqabad ee Baanka Aduunka, African Development Bank, UNDP, DAI iyo EU kuwaaso dhammaan waxqabadka ay Puntland xereeysay yihiin kuwo ku eg keliya INTA LAAMIGA AH, taasoo ah khiyaano cad iyo lugooyo shacabkeeda aaminsan in ay u maqan tahay.

Anoon soona DHOWEEYNAYN isla markaana FOGEEYNAYN heshiiskan cusub ee Dawlada Somaliland iyo reer Awr-Bogeeyseed wada saxiixdeen ahna mid xiiso leh xaga siyaasada iyo horumarinta bulshada, waxaan qirayaa inay kolayba MUGAAN AY SOMALILAND HALEESHAY kelmado iyo himilo gelin aanay reer AWR-BOOGEYS ebdi ka maqal dhankaa ay u jeedeen ee bariga, haddii ay Somaliland ka dhabaysona himilooyinkaas oo wax ka qabsoomaan, ay taasi keeni doonto waxa afka qalaad lagu dhaho POLITICAL LANDSLIDE!

NB:- QUUS YAA QAWAAS! – WAR HELAA TALLO HELLA!

GUULEEYSTA – NABAD, XABADDOO JOOGSATA LAGUNA BEDELO DOOD IYO AARAA SIYAASADEED MAQAAM SARE LEH!

Halkan ka akhrisoSomaliland oo kulan u qabatey beelaha daga gobolada Sool iyo Sanaag.

Faisal Hawar

Sanaag.so

LEAVE A REPLY