Dawladda Maraykanka ayaa Soomaaliya u diraysa safiirkeedii u horreeyay muddo 25 sano ah. Safiirkan oo lagu magacaabo Stephen Schwartz ayaa shalay lagu dhaariyay magaalada Washington, kadib markii aqalka Senate-kuu uu bishii May 2016 uu anixisiyay.

Ku xigeenka kaaliyaha XAD Maraykanka Anthony Blinken, ayaa xafladii dhaarta safiirka Maraykanka ee Soomaaliya wuxuu ka sheegay in Soomalaiya ay horumar sameysay balse ay wali jiraan caqabaddo dhinacyada siyaasadda ah, dadaallada xasilinta iyo waliba caqabadaha dhinaca dib u kabashada dhaqaalaha iyo dagaalka Soomaaliya kula jirto argagixisada”

Safiirka Maraykanka ee Soomalaiya, Stephen Schwartz oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in inkasta oo Soomaaliya ay gacan ka heshay Ciidamada Midowga Afrika, balse loo baahan yahay abuurista ciidamo Soomalaiyeed oo al-Shabaab ka adkaada”

Wuxuu yiri “Waxaa imika la joogaa wakhtigii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ay abuuri lahaayee ciidamo qaran oo Soomaali ah oo waxtar leh, jawaabna bixin kara, si ay uga adkaadaan al-Shabaab sidoo kale u mideeyaan dalka.”

Sanaag.so

LEAVE A REPLY