Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa isu keentay 30 ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaallada Nairobi, oo ka kala socday Ururrada Bulshada iyo dhallinyarada ka shaqeeya arrimaha Soomaalida dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
 
Kulankan oo ay ka qayb gashay Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka Minnisota ee dalka Maraykanka, ayaa looga hadlay kaalinta dhallinyaradu ay ka qaadan karaan horumarinta bulshada iyo siyaasadda.
 
Sidoo kale, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo, tusaalooyin iyo waayo aragnimo la xiriirta xaaladaha ay ku sugan yihiin dhallinyarada Soomalaiyeed ee fursadda u banaan iyo sida ay horumarinta uga qayb qaadan lahaayeen.
 
Xoghayaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Almaas Elman oo furtay shirkaan ayaa tilmaantay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku lehyihiin horumarinta bulshada, nabadda iyo waliba siyaasadda.
 
Waxa ay sheegtay in isku-xirka dhallinyarada iyo inay hadaf yeeshaan ay qayb weyn ka qaadan karto horumarinta dadkooda iyo dalkooda.
“Dhallinyarada waxa ay leeyihiin awood ballaaran,Waa kuwo wax beddeli kara haddii ay midoobaan, guulaha ay siyaasadda iyo arrimaha bulshada ka gaareen ayaa tusaale u ah in ay hoggaamin karaan dadkooda” ayay tiri Almaas. “Kulankani waxa uu naga saacidi doonnaa in dhallinyarada aan ku baraarujinno in ay horay u socdaan iyo in aan helno fursad ay xildhibaan Ilhaan Cumar nagula wadaagto waayo-aragnimadeeda, waana u mahad celinayaa” ayay sii raacisay.
Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo sanadkaan 2016-ka ku guulaysatay kursiga xildhibaannimo ee aqalka wakiillada gobolka Minnosota ee Maraykanka, ayaa sheegtay in awoodda ku jirta dhallinyarada ay wax badan ka beddeli karto xaaladda uu dalku ku sugan yahay, sidoo kale ay dhallinyaradu wax hoggaamin karaan.
 
” Dhallinyaradu ma ahan kaliya hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, sidoo kale waa hoggaamiyeyaasha mar kasta. Waa in aan qaadannaa kaalinteenna oo aan bulshadeena wax tarnaa, caqabadaha kaa hor imaanaya ma yara laakin hanka iyo dadaalka ayaa muhiim ah si aan u gaarno ujeeddadeena” ayay tiri Ilhaan.
 
“Dhallinyaradan oo howlo muhiim ah u haaya bulshada in aan la kulmo fursad ayay ii tahay, oo qaarkood aan howlahooda internet-ka kala socday. Safaaradda Soomaaliya iyo Danjire Jamaal oo suurta galiyay aad ayaan ugu mahad celinayaa.
 
Dhallinyarada ka qayb gashay kulankaan ayaa soo jeediyay khudbooyin ku aaddan waxyaabaha la gudboon dhallinyarada si ay bulshooyinka horumaray loo tiigsado.
Ugudanbayn, Dhalinyarada ayaa soo bandhigay tusaalooyin iyo waxbixinno muujinaya in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin is-beddellada wanaagsan ee ka dhacaya dalka Soomaaliya.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY