Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay shir guddoomiyay shirka Hormarinta dhaqaalaha Dalka, kaas oo looga hadlay horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray horumarada Maaliyadeed ee Dalka, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada ku shaqada leh arimaha dhaqaalaha sida Wasiirka Maaliyadda ,Qorsheynta ,Beeraha iyo Xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cbdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hordhigay R/Wasaaraha iyo Wasiiradii ka qeybgalay shirka warbixin ku sabsan horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya, isla markaana ay dhawdahay rajada laga qabo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Mr Beyle ayaa sidoo kale faahfaahin ka siiyay shirka qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee kobaca Dakhliga iyo diyaarinta Miisaaniyadda Cusub ee 2019 ilaa iyo 2020.

Shirka dhaqaalaha Xukumadda ee todobaadlaha ah waxaa sii dheer shirar joogto ah oo ka dhaca gudaha Wasaaaradda Maaliyadda Soomaliya kuwaasoo lagu hormarinayo Dhaqaalaha iyo in la gaaro Hadafka Soomaaliya ee ah in isku filnaasho Dhaqaale.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY