SANAAG.SO – Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Ra’iisul-wasaaraha Dalka Canada JustinTrudeau.

Kulankaasi oo ka dhacay magalaada Davos ee dalk Switzerland, ayaa waxay ka wada hadleen adkeynta iyo dardar gelinta xiriiirka fiican ee labada dal ka dhaxeeya.

Rii’sul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa kaloo uu kula kulmay Magaalada Davos Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, kulankaasi oo ahaa mid muhiim ah, ayay labada Masuul ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo horumarka guud ahaan qaaradda Afrika iyo sidii Soomaaliya iyo Rwanda xiriir dhow u yeelan lahaayeen.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Dalalka ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

LEAVE A REPLY