Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka degey magaalada Cadaado ee xarunta ku meel-gaarka u ah maamulka Galmudug ee Gobolka Galguduud.
 
Waftiga Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa la sheegayaa in uu mar kale doonaayo waan waan nabadeed kala dhex dhigo Maamulada Puntland iyo Galmudug oo maalmihii ugu danbeeyey dagaalo ku dhexmareen Magaalada Gaalkacayo.
 
Weftiga Raysulwasaraha ayaa la kulmay Madaxda Maamulkaasi Galmudug isagoo la yeeshay Shir albaabadu u xidhanyihiin sida uu nooga soo waramaayo Wariye Cabdi Fataax warsame, waxana uu halkaasi ku sugnaa saacaddo kooban, lama oga waxa ay ka wada hadleen, Raysulwasaare Cumar cabdirashiid iyo Madaxwayne Cabdikariim Xuseen Guuleed.
 

cumar_garooweDhanka kale, Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Weftigiisa ayaa ka degay gabbal dhacii Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland isagoo halkaasi caawa kula leh sidoo kale wada hadal iyo waan waan sidii colaadaasi loo demin lahaa, shacabka labada dhan ee ka qaxay ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryahooda.

Dagaalada Maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa Gaalkacayo ka qarxay ka dib markii ciidamada cirka maraykanku duqayn ugeysteen cutub ka tirsan ciidamada Galmudug duleedka magaalada Gaalkacyo habeenimadii Arbacada 28-09-2016, kuwaas oo tuuryo tuuryeynaayey airporka Magaalada Gaalkacayo, waxaana weerarkaasi lagu dilay 22 Alshabaab ah, inkastoo markii danbe ay Galmudug sheegatay in ciidamadooda la duqeeyey isla markaasna ay ku eedaysay Puntland ka danbaysay.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY