Roobab Mahiigaan ah o lagu diirsaday ayaa Saddexdii Maalmood ee ugu danbeeyey ka da’aayey Gobolada Sanaag iyo Hayland iyo Bari.
 
Gobolka Sanaag; Dhanka Buuraaha Calmadow inta Bariga u jeeda Guud-cayow, Raacimaha ilaa togga Togga-dixdhaaxood waxaa ka da’ay roob fiican oo dhmmaan Togagii, Harrooyinkii iyo Barkadihii daad soo mariyey.
 
Carmale, Sibaaye iyo Ximanka Bari ee Xingalool wixii Bari ka xiga ilaa Laamiga inta ka dhaxaysa (Ceelbuh, jiingada , Qoyan , Mindhicir , Gooraan , Habarshiro , Degmo Buraan , Degmo Dhahar kolka (Baraagaha-qol laga reebo ) roob fiican ayaa helay ilaahay mahaddii oo balli , berked iyo dooxoba biyo mariyey .
 
Magaalada Ceergaabo iyo hareeraheeda oo dhanka buurta u badan roob wanaagsan baa helay .
 
Biyo-guduud, Ardaa , Dib qarax iyo Dhaabeeda inta ka dhaxaysana waa rooban tahay .
 
Daara-salaam , Shinbiraale iyo Dawaco iyagana roob fiican baa helay togga Shinbiraalena daad baa soo maray.
 
Damalla xagare iyo Wardheer hogol biyo dhig ah baa heshay oo aan ballaadhnayn , berkedaha qaarna wax geliyey .
 
Degaanka ballaadhan ee Dhagax-labaasood ee loo yaqaanno Karkaar wax roob ah ma helin, marka laga reebo Habar-hunbulle oo hogol fiican ay qabatay.
 
Magaalada Yubbe iyo hareereheeda , Ceelkalle Bari , Qaarar, Birxamar , iyo wadaayin roob fiican baa helay! Masha’Allah.
 
Magaalada Hadaaftimo berkedihii waa buuxiyey, hareeheheeda oo dhanka buurta u badan roob fiican baa qabtay .
 
Jiidda dhexe oo Ceeldaahir, Cawsane, Midigale, Rad, Laako, Badhan roob kama di’in.
 
Xingalool ilaa Wardheer inta ka dhaxaysana roob ma helin .
Fiqiga ilaa wixii ka Koonfur ahna roob ma helin.
 
Birxamar , Jiidali ilaa Ceergaabo sokadeeda roob malaha .
isku soo wada duub oo maanta reer abaar yaal majiro, cirkuna waa cusub yahay weli oo da,ayaa, Insha Allah meelahaas aanu ka di’in wixii ka soo kordha waa idin la wadaagaynaa .
Ilaahay baa mahad leh; Abaartii inaga saarayoo aan u Shukri naqno isna cafinno, degaamaysi iyo cashiimaysi oo la iska ilaaliyo baa la inaga rabaa iyo in la sii wado gargaarkii dadkii Abaartu samaysay oo jilicsan si Allaha wayni inoogu Naxariisto!.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY