Badhan, Sanaag

Roobab Mahiigaan ah ayaa labadii Asbuuc ee ugu danbeeyey ka da’aayey Gobolada Sanaag iyo Hayland, inkastoo roobkii da’ay Magaalada Badhan 13-06-2016 uu ahaa Roob dabaylo xoogan wadta isla markaana uu saqafka ka qaaday Goobo Waxbarasho iyo Guryo lagu qiyaasayo 20 Guri ee uu waxyeelo u geystay Roobkani.

Roobab Dabaylo wata oo ka da'ay Gobolka Sanaag
Machadka Daraasaadka Cilmiga/ Badhan

Xilligan Roobka da’a ayaa loo yaqanaa Dirir-sagaaro  waxana uu wadtaa dabaylo isla markaana waxyeelo u gaysta Xoolaha  iyo  Hantida sida guryaha iyo  Baabuurta.

Buraan
Togga Buraan

Roobkan ayaa ka soo curtay Buuraha Calmadow, waxana uu helay dhulka  loo yaqano  Aroorada, Raacimaha  isagoo markaa si fiican u helay Magalada Badhan iyo Nawaaxigeeda.

Sidoo kale, roobkan ayaa waxa uu helay dhulka u dhaxeeya  Badhan iyo  Ceel-buh  ee Dhagax libaasood loona yaqano (Karkaarka).

Dhanka  kale,  waxa uu ka da’ay  Bariga Magaalada  Badhan , sida  Xubeera, Rad,  Midigale, Ceel-lahelay iyo Cawsane.

Buraan, Ballibusle iyo Habarshiro ayaa laga soo sheegaya in maanta ay Roobab fiican  ay halkaasi ka da’een, kuwaas oo ah roobab lagu diirsaday, sida uu noo soo tebiyey Wariye Maxamed Ciise oo ku sugan  Magalaada Buraan.

Oogo

Booxaaro, Dhahar, Baraagaha-qol, Xingalool, Sibaaye , Gurmale, Hambarre iyo Xadeed oo dhan  ayaa sidoo kale  roobab Mahiigaan ah oo  dadka iyo duunyadu ay ku diirsadeen laga soo sheegaya.

Ugudanbayn,  Roobkan ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono kii Dadka ka saari lahaa Abaarihii iyo Jiilaalkii dheeraa oo ay aad dadku u hayaameen Hawd iyo Togdheer sanadkii aan soo dhaafnay.

Maxamed Ciise, Sanaag.so
Buraan, Hayland

roob

badhan11roob badhanbadhanbadhan oo roob helaybadhan roob helay

Roob-doon roob Badhan Sanaag Soomaaliya13441738_1551451805158008_1023755320_o

 

LEAVE A REPLY