Waxaa Magaalada Malmö toddobaadkan lagu soo bandhigay Riwaayad ka hadlaysa qisooyinka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Iskandineefiya.
 
Inkasta oo tiro badan oo soomaali ah ku nooshahay skandineefiya haddana qisooyinka dadka soomaaliyeed laguma soo qaato kamana muuqato bandhigyada iyo masraxyada dalalka ay ku nool yihiin ee skadineefiya, sidaas waxaa tiri Ditte Maria Bjerg oo ah isku duwaha riwaayadan oo waramaysay SR (Radio Sweden).
 
Bandhigan oo loogu magac daray” Skandinavisk scen” ayaa lagu soo bandhigay Aqalka Malmö Opera.
– Sababtu waxay tahay riwaayadaha skandineefiya waa dhif in aad ku aragtid qisooyinka soomaalida iyadoo soomaalidu buux ku yihiin dhamaan wadamada skandineefiyanka. Marka waxaa loo baahanyahay in qisooyinkan dadkan la soo bandhigo masraxyada si ay mataalaad u helaan qisooyinkooda” ayey tidhi – Ditte Maria Bjerg.
Dhowr magaalo ayaa riwaayad noocan oo kale ah laga sameeyay sida Copenhagen ee dalka Denmark iyo magaalada Oslo ee dalka Norwey.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY