Wakhti aan badnayn ayey Iswiidhan joogtaa, waxayna ka mid noqotay ardayda la guddoonsiiyey Abaalgudka waxqabadka iyo dadaalka.
 
Ramla Goobdoon waxaa ay mudan tahay ku dayasho, waxa ay muujisay oo ay dadaal ku bixisay, wakhtina u hurtay in waxqabadka ardaydu aanu ku xidhnayn inta sanno aad dalka Iswiidhen joogtay, balse ay ku xidhan tahay hadba dadaalka aad la timaado iyo yoolka aad hiigsanayso.
 
Taas oo ah farriin ku socota ardayda wax ka barta dalkan Iswiidhan in sare loo qaado oo la helo Arday maskaxda tuujiya oo leh hal-abuur  iyo in ay wax ku qoraan Afkeennna iyo luqadaha qalaadba.
 
Ramla Goobdoon waxa ay qortay sheeko fanneed ay ku qortay Afka Iswiidhishka, taasoo Iskuulkeedu u doortay kuwa ugu fiican ee hal-abuurlaydu ay qoreen sanadka 2017.

”Sanad kasta bishan oo kale waxaa Iswiidhan lagu qaybiyaa abaalgudka loo yaqaanno Nobel Price, sidaasi aawgeed ayay iskoolladuna bixiyaan abaalgud taa u dhiganta si loogu abaalgudo ardayda soo bandhigta aqoon sarraysa. Waxaa sharaf, farxad iyo guulba ii ah in sheeko faneed aan ku tartamay ku na qoran af iswiidhish ay ka mid noqoto sheekooyinka u gu fiican ee sanadkan, is la markaana aan abaalgud ku helay xalay. Mahad oo dhan Ilaah ayay u sugnaatay iyo saaxiibbadayda ducada igu soo kabay” ayay tidhi Ramlo Gobdoon.

Ugu danbayn, Ramla ayaa intaasi ku dartay”guushan ayaan anigu ku maqnaaye, is ku soo noqod wanaagsan saaxiibbayaal” ka dib markii ay qoraalkan kooban ku soo qortay Barteeda Facebook iyadoo la wadaagaysa aragtideeda Ardayda iyo Asxaabteeda.
  Maqaal hore halkan ka akhriso Waxaan ahay Dumar WQ: Ramla Gobdoon
SANAAG.SO waxa ay leedahay Ramla GRATTIS!!! HURRRRAA HANBALYO HANBALYO:

LEAVE A REPLY