Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Waashintong ee dalka Maraynkanka kula kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraynkanka David Malpass waxayna ka wada hadleen Arrimo badan oo la xiriira Xaaladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo David Malpass ayaa kulankooda diirada ku saaray arrimaha kor u qaadista iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, dowrka Maraynakanka kaga aadan in Soomaaliya ka caawiyo gaaritaanka hadafkeeda.

Qoraal uu Ra’iisal wasaare Khayre soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa u qornaa sida tan” Wadahadalka aan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada Maraynkanka David Malpass wuxuu ku salaysnaa arrimaha kor u qaadista iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dowrka Maraynkanka kaga aadan caawinta dalka Soomaaliya,”

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraynkanka John Sullivan, iyagoona ka wada hadlay qaabka lagu xoojin karo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Labada Dawladood iyo taageerida horumarineed uu Maraynkanka siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washintong ee dalka Maraynkanka uga qayb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) .

Ra’iisal wasaare Khyre ayaa ku baaqay la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah.

Sanaa.so

LEAVE A REPLY