Quruxda Calmadow u dalxiis!

0
931

1. Calmadow: Waa dhul Barwaaqo ah.

Calmadow.

Buuraha Golis ee xeebta Gacanka Cadmeed taxan waa dhagax qallalan oo aan dhir lahayn, laakiin Buuraha Calmadow  ee Silsilada Golis, Ilaahay waxa uu ku mannaystay Dhir iyo durduro buuraha korkooda ah, sida meelo badan oo dhulkeena ah ay aad u qurxoon yihiin oo ay ka ag dhow yihiin Beerihii , Xoolihii, iyo Kalluunkii ayaan haddana diyaar u ahayn in ay  dadkeedu Maal-geshadaan, sababtoo ah xagga waddooyinka  oo aad u xun, waxa ay se ku habboon tahay  in Hoteelo  dalxiis laga dhiso oo ay dadkeedu Maal geshadaan oo  hurdada ka kacaan!

Quruxda waxaa u sii dheer barwaaqo, Cayryaamo ayaa jiq ku ah habeen iyo maalin, cimaladeedu waa ay ka duwan tahay Soomaaliya inteeda kale waa dhul qabow  ah oo dhulka ka sarreeya.

Waxaa ku yaalla  Beero wax soo saar kala duwan leh, geed mirood, khudaar, waxaa ka baxa dalagga noociisa kala duwan, waa dhul dalxiiska ku wacan, waxa booqda oo u dalxiistaga Dadka Soomaaliyeed ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Gobolada Waqooyi iyo qurba joogta  Soomaaliyeed.

2. Xabaasha-Wacle: Biyahan waa Xareed.

Haradan ay biyuhu fadhiyaan waa xareed waxa ay ka yimaadeen jararka iyo qararka korkooda, haradani waxa ay  u dhowdahay  Xabaasha-Wacle/ Xabaasha-Cawl,  waxa la  sii maraa wadddada isku xidhan Magaalada Badhan iyo Laasqoray iyo marka laga baxaayo Buuraha Calmadow waxaana la dhahaa ”Waddada Geeldoora” waa tan isku xidha Badhan iyo Laasqoray.

Waxaan hubaa sawir ama qoraal kaga bogan maysid Calmadow iyo Geeldoora waxa fican in aad u dalxiistagto, indhahaagaa ku macallin ahee ee u dalxiis!

3. The spectacular HABAR TII’AA “HABAR TIICAA” tree, a Specimen of Dorstenia Gigas or Socotran Fig.

Like in my case, if you don’t get the opportunity to visit any alien planets, Mars and the Moon being the closest to us, then I think a visit to Alh Madow Mountain of Maakhir Region all the way to Ras Gardafui of Somalia and perhaps the Socotra Island would suffice the need of visiting any alien planets.

The breathtaking Habar Tii’aa tree once again caught my attention, this amazing tree with such cucumber like trunk flowers between April – June, and amazingly the whole tree turns to a bunch of flower. The tree belongs’ to the Dragon’s Blood species and is very rare and endemic plant.

I noticed that this Habar Tii’aa tree grows around the Ma’ag “Macag” the lower slopes of Alh Madow 300 – 1600 meters above the sea level, I observed this plant as low as the Haware and Lakaleey areas near Ulheed village and as high as Habasha Awl village that falls at 1600 meters above the sea level.

The tree produces beautifully pinkish flowers, and amazingly the flowering season stays longer than any other plant, where the tree maintains having such adorable flowers for almost 10-12 weeks.

KNOW THY LAND! Faisal Hawar

4. #Ido: Daaqaya Markad/ Calmadow

Halkan  ay  Idahan daaqayaan  waa dhulka loo yaqaano Ragaad, Mirci, iyo Markad ee Deegaanka  Calmadow,  dhulkan waa dhul Beeralay ah, haddana waxaa dega  reer guuraaga isla markaana ay xoolohoodu daaqaan.  dhulku waa dhul aad u ballaaraan oo reer guuraa/ Reer Miyi, iyo  Beeralaydu waa degaan.cali-ducaale-oo-liin-macaan-aaasaya

5. Booqashadii Galgala WQ: Mohamoud Kawte.

Mohamoud Kowte waa Wiil dhalin yaro ah waxa uu booqasho ku tagay Galgala

Waxaan goor barqa ah tagay Magaalada Galgala oo ay mudo igu danbaysay waxaan ku dagay guri aan lahayn oo aad u burbursan waxaan u baxay magaalada gudaheeda hase ahaate indhahaygu ma qaban dad badan balse waxaan arkay ciidamo tira badan oo jooga xaafadaha iyo magaalada .

waxaan u gudbay beeraha magaalada oo waagii hore kala xidhna nin walibana beerihisa uu beeran jiray si uu dalagga uga soo saaro hase ahaate taasi waa is badashay iskadaa inay wax ka soo baxaane waxaa guuray geedihi galgala lagu yaqaanay.

Waxaan tagay beer ugu qurux badan magaalada oo uu leeyahay oday deegaanka ku dhashay waxaan waydiiyay deegaanka beertaada ugu qurux badan balse isagoo murugo ka muuqato ayuu i sheegay wuxuuna yiri anigu halkan baan ku dhashay kuna dhiman doona waxaana aan beertayda u beeranaya si aan uga soo saaro dalaga kamana tagayo. Akhri Warbixinta dhan

LEAVE A REPLY