Iyadoo weli bartan ka  loogu jiro maxkamadaynta maxaabiistii Soomaliyeed ee ku xidhnaa Dalka Hindiya waxaa sidoo kale Maanta 2017-08-12 la xukumay maxaabiis kale oo Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus, hore waxaa loo soo xukumay Qaybta Kowaad 15 Maxbuus, Qaybtii labaad 16 Maxbuus oo dhan 31 maxbuus.

Qaybtan Saddexaad oo tiradoodu tahay 26 maxbuus iyo qaybaha hore ayaa dhammaan lagu xukumay min 7 sano oo xarig iyo ganaax isugu jira, waloow ay ganaaxa ku kala duwan yihiin, taas oo ah hadba tirada la xukumo inta ay tahay.

Maxaabiista la xukumay waxay tiradoodu dhantahay 57 maxbuus markaa lagu daro Qaybta Saddexaad oo ka kooban 26 maxbuus, waxaa ka dhiman 118 kii maxbuus ee ku xirnaa dalkaasi Hndiya 61 maxbuus oo xukun sugayaal ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in bishan 19-keeda la filayo in 61-ka Maxbuus ee harsan ay Maxkamaddu ku riddo xukun, halkaas waxaa ku soo geba-geboobaya xukunka Maxaabiista Soomaaliya ee ku xiran Mumbai.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya Yusuf Garaad ayaa uga mahad celiyey  shaqooyinka culus ay qaranka u hayaan Danjire Ebyan Ladane Safiirka Soomaaliya u fadhiya New Delhi iyo Xoghayaha Koowaad ee safaarada Soomaaliya ee India Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Xiish).

Ugu danbayn, Maxaabiista ayaa waxaa la filayaa in Dawladda Soomaaliya la soo wareegto oo ay soo gaaraan caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya bilaha soo socda marka ay Maxkamadu soo gabagabagyso xukunkooda.

Sanaag.so NewsDesk

LEAVE A REPLY